#SOMALILAND: Wasaaradda Warfaafinta oo Hirgelisay Mashruuc Ballaadhan Oo Laga Fuliyay Shan Magaalo Oo Ku Yaalla Dalka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan),

Wasiir Cali Mareexaan oo ku dhawaaqay Qorsheyaal waaweyn oo Wasaaraddu ku Tallaabsan doonto

Hargeysa(Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa furay mashruucii u weynaa ee ay hirgeliso wasaaraddu oo lagu ballaadhiyay baahinta idaacada Radio Hargeysa, iyadoo idaacado min 2000KW ah laga sameeyay Magaalooyinka Ceerigaabo, Caynaba, Burco, Oodweyne iyo Berbera.

 

Xafladii loo sameeyay furitaanka qorshaha ballaadhinta FM-yada magaalooyinka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ka soo qaybgalay madaxda iyo hawlwadeennada Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Xasan Maxamed ayaa kaga dhawaaqay xafladaas qorsheyaal ay ka mid tahay in dhawaan la keeni doono dalka idaacad weyn oo laga dhegaysan karo mandaqada oo dhan, isla markaana la samayn doono idaacado la xidhiidha waxbarashada oo FM ah oo kaalin ka geysan doona kor u qaadista waxbarashada iyo wacyiga bulshada.

Wasiirka oo ka hadlayay magaalooyinka baahinta Radio Hargeysa ay gaadhi jirtay markii ay yimaadeen Wasaaradda, waxa uu yidhi “Markii aanu nimid Wasaaradda waxa shaqeynayay FM-yada Hargeysa iyo Boorame. Weliba idaacada Boorame ka shaqeynaysay waxay ahayd 300KW waanu ballaadhinay oo FM-tii Boorame 2000KW ayaa laga dhigay. Shan magaalo oo kale oo FM-yadoodu fadhiyeen isla markaana ay yaalleen qaar yar yar, waxa la geeyay idaacado waaweyn oo 2000KW ah. Waxana magaalooyinkaas ka mid ah Ceerigaabo, Caynaba, Burco, Oodweyne iyo Berbera. Waa isbeddel weyn iyo mashruuc aad u ballaadhan marka idaacad waliba gaadhayso 60km, in badan oo ka mid ah dalka baahintii idaacadu way gaadhaysaa. Waxa imika idaacada dhegaysanaya ciidammada iyo dadweynaha ku sugan goobaha durugsan ee dalka.”

Wasiir Cali Mareexaan wuxuu sheegay in dhawaan dalka la keeni doono idaacadii weynayd ee mowjada dhexe ahayd, isla markaana la samayn doono idaacad waxbarashada la xidhiidha oo FM ah. Waxa kaloo uu bogaadiyay farsamo-yaqaannada iyo madaxda Wasaaradda oo uu tilmaamay inay dedaal ka sameeyeen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa faahfaahin ka bixiyay dedaalka ay wadaan ee la xidhiidha ballaadhinta baahinta Idaacada Radio Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxa dhammaan kooxda hoggaaminta Wasaaradda ee uu u horreeyo Wasiirku waanu wada cusub nahay, waxa noo suurtogashay in gobollada dalka intooda badan laga dhegaysanayo idaacada Radio Hargeysa, taasi oo ku timid dedaalka iyo hoggaaminta Wasiirka Warfaafinta oo amarkiisu ahaa wixii aynu qaban karno yaynaan dib u dhigan.”

Agaasimaha Guud wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in ciidammada qaranku ay muddo dheer ka cabanayeen inay dhegaysan jireen idaacado cadowga Somaliland gacanta ku hayay. “Mar haddii tilmaamihii Wasiirku hirgashay ee ballaadhinta baahinta idaacadu, innagana inta aanu anigu ugu sareeyaa waxa laga rabaa inaynu u jeedsanno dhinacii tayeynta barnaamijyada iyo wixii ummadda la gaadhsiinayay. Waxa ay ahayd nasiib darro in wasaaradda warfaafinta oo loo tiriyo wasaaradaha ugu miisaaniyadda badan in haddana hawshii ay haysay ahayd uun keliya magac mar haddii Hargeysa iyo Boorame oo kaliya idaacada laga dhegaysanayay. Taasi oo ka dhignayd in warkii xukuumadda iyo qarankuba aanu dalka intiisa kale gaadhi jirin. Waxa cabasho badani ka iman jirtay in ciidammada qaranka Somaliland ay dhegaysan jireen idaacado badan oo qaarkood ay gacanta ku hayaan cadowga Somaliland. Maanta waxa nasiib wanaag ah in ciidammada Somaliland ay dhegaysanayaan idaacada Radio Hargeysa,”ayuu yidhi Agaasime Shiine.

Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Cabdirisaaq Cismaan Maxamed, ayaa masuuliyiinta wasaaradda uga mahadceliyay juhdiga ay geliyeen ballaadhinta baahinta Radio Hargeysa oo uu caddeeyay inay meelo kooban gaadhi jirtay, hase ahaatee masuuliyiintu ay tallaabadii koowaad ka dhigeen mashruucaas weyn ee shanta magaalo loogu rakibay FM-yo midkiiba tahay 2000KW.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan),

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine),

 

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland