SOMALILAND: Wasiir Cabdilaahi Abokor Iyo Maayir Mooge Oo Soo Afjaray Khilaafkii U Dhaxeeyey

Hargeysa(Hayaannews):Wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryaynta Somaliland iyo dowlada Hoose ee Caasimada Hargeysa, ayaa ka heshiiyay khilaaf ka dhashay guddiyo is khilaafsan oo labada dhinac u kala magacaabeen dib-u-dhiska suuqa Waaheen.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay ka tanaasulaan guddiyadii ay hore u magacaabeen, oo ay sameeyaan hal guddi oo ka kooban 5 qof oo kala ah Maxamuud Cabdi Cilmi, Eng.Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa),Eng: Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Eng. Aadan Jaamac Xadi (Mideeye) iyo Eng. Ciise Yuusuf Xamari.

Shaqada guddida ayaa noqon doonta dib u dhiska iyo hagaajinta suuqyada magaalada Hargeysa oo uu suuqa Waheen kow ka yahay, sida maayar Cabdikariin Axmed Mooge sheegay,waxaanu yidhi “Waajibaadka guddida waxaa kamid ah, howlgalinta iyo hagida injineerada iyo xirfadlayaasha barnaamijka heer qaran iyo heer caalami, urrurinta, isku dubaridka, qiimaynta afkaarta iyo aragtiyaha hal abuurka aqoonyahanka kala duwan ee dib u dhiska suuqa,  dajinta qorshe howleed cad ee dib u dhiska suuqa Waaheen iyo dib u habaynta suuqa Gobonimo”

Wasiirka howlaha guud dhulka  iyo guryaynta mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa isn dhankiisa sheegay in wax dhibaato ahi anay jirin “Waxa woxogaa jaha wareer ahi ku yimid labada warqadood ee soo kala baxay 24 iyo 30 kii bisha, si umada Somaliland tashuushkaasi uga baxo, waxaanu maanta garanay in aanu anaga oo dhamaystiran, in wax dhibaato oo jirta aanay jirin isfahana uu jiray marka horeba”.

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bilaabmay horaantii bishii Abril, markaasi oo laysku khilaafa cidda iska leh masuuliyada maamulka dib u dhiska suuqa, inkasta oo labada dhinac midna aanu si toos ah uga hadal khilaafka jiray.