SOMALILAND: Wasiir Kaahin Oo Ka Hadlay Xaaladda Boorama, Dad Kala Duwana Eedo U Jeediyay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

“Soddon Sanno Wixii Aynu Soo Dhisaynay Dad Aan Xilkas Ahayni Innagama Dumin Karaan…..” Wasiir Maxamed-KAAHIN.

Hargeysa (Hayaannews) Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dhibenaha koowaad ay dowladdu ka tahay dilka loogeystay Marxuum Khadar Xabeeb, waxaanu bulshada ugu baaqay in cidkasta oo ku hawlan khalkhalgelinta amniga meel looga soo wada jeesto.

Md. Kaahin waxa uu ku dooday in dadka mudaharaadyada, boobka iyo rabshadaha ka sameeyay gudaha Boorama aanay ahayn eheladii qoyskii Marxuum Maxamed Xabeeb,balse ay yihiin cid danno gaara leh oo bulshada ku soo dhex dhuumanaysa.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soamaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayay mudaharaadadii ka dhacay Boorame iyo dadka loo qabqabtay waxa uu yidhi:“Dilka marxuum Khadar Xabeeb waxa ka dhashay buuq badan oo mudaharaadyo keenay, boob la boobay ganacsatadii magaalada.Dadka rabshada kawaday magaalada Borama, may hayn qoyskii, qabiilkii iyo dadka reer Dillaad midna, wax dhib ah oo ay ku leeyihiin mudaharaadka iyo boobka ka dhacay Boorama.Dadka rabshadaasi sameeyay dadka abaabulaya, kuwa fulinaya hal qof ayaa kaga jira ehelada marxuumka dhintay.

Waxgaradka gobolka Awdal waxa ay sheegeen in arrintani arrin ka dhalatay aanay ehelada marxuumka, dadka doonaya inay Boorama khalkhaliyaan, dadka doonaya in Boorama laga qaxo.Qoyskii marxuumka iyo xukuumadduba waa dhibane, dhibanaha koowaadna waa dowladda, kiiskan si ayaynu u wada wadaynaa, meelana laga leexleexinmaayo, dadka ina rabshayana aynu meel uga soo wada jeedsano.

Mar uu Wasiir Kaahin ka hadlayay cida loo qabqabtay mudaharaadadii ka dhacay maalintii isniintii aynu soo dhaaftay Magaalada Boorame ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu hayna oo maamulka gobolka Awdal ka wada socona dad aan reer Awdal ahayn in qaskan ay ku jiraan,qaarkood ayaanu sawiradoodii hayna, waxa aanu hayna dad badan oo baraha bulshada ku baahinaya arrintan,qoraalkoodii iyo sawirkoodiiba waanu haynaa, maxkamadda ayaanu gaynayna kiiskoodana waanu dadajinaynaa,”

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

“Soddon sanno wixii aynu soo dhisaynay dad aan xilkas ahayni innagama dumin karaan.”.Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo shalay Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa.