SOMALILAND: Wasiirka Warfaafinta Oo Daah-Furay Kulan Lagu Dejinayo Qorshaha Wasaaradda Ee 2021

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa maalintii shalay oo Arbaca ah, furay kulan howleed laba maalmood soconaya oo lagu dejinayo qorshaha Wasaaradda ee sanadkan bilowga ah, dib-u-eegisna loogu samaynayo qorshihii sanadkii hore 2020.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta, kana qaybgaleen Agaasimaha guud, Agaasime-waaxeedyada iyo madax-qaybeedyada kala duwan ee Wasaaradda, ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey furitaankiisa Wasiir-kuxigeenka Wasaaraddaasi.

Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta oo hadal dheer ka jeediyey munaasibada furitaanka Shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey meelaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in dejinta qorshaha diirada lagu saaro, waxaanu kula dardaarmay ka qaybgaleyaashu inay si hufan u diyaariyaan qorshe dheeli-tiran, kuna jaan-go’an hadafka iyo ujeedooyinka Wasaaradda waaxyaheeda, isagoo dhinaca kale farta ku fiiqay waaxyaha ahmiyadda gaarka ah leh.

“Wasaarad warfaafin ahaan masuuliyadbaa inna saaran, masuuliyaddaas ina saaran waxa aynu qabanayno waa in aan garan karnaa. Istuudiyayaasha Idaacada iyo Telefishankuba dib u habayn badan ayey u baahan yihiin, oo waxa aynu u baahanahay in laga bedello qaabkii hore oo la gaadhsiiyo heer casri ah, markaa Istuudiyayaasha iyo guriga ayaan awoodda saarayaa sanadkan ka wasiir ahaan”ayuu yidhi.

Wasiirka oo isagoo hadalksa sii wata waxa uu Agaasimeyaasha Telefishanka, Idaacada iyo Wakaaladda Wararka ku booriyey inay soo diyaariyaan qorsheyaashooda howleed oo wax ku ool ah.

Waxaanu yidhi “Wasaaradda saddex waaxood ayeynu xoogga saaraynaa, Telefishanka oo aynu doonayno in uu noqdo mid la tartama Telefishanada kale, Idaacadda.. oo ah Idaacadda ugu da’da weyn dhulka Afka Soomaaliga lagaga hadlo iyo Wakaalada Wararka ee SOLNA oo iyaduna iminka hogaaminaysa Warbaahinta casriga ah, markaa agaasimeyaasha saddexdaa waaxood ha keenaan qorshe cad oo ay ku shaqaynayaan. qorshaha aynu qoraynaana waa in uu noqdaa mid ficil ku lamaan yahay oo lagu shaqaynayo oo sidaa loo diyaariyey u fulaya”.

“Waaxda Dhaqanka sanadkan iyo kuwii horeba qalab ayaa ugu jiray Miisaaniyada, qalabka haddii la soo Iibiyo oo qol uun lagu xereeyo waxba tari maayo, markaa iyaga iyo Kooxda Xiddigaha Geeska ee ay lacagtu ugu jirto Miisaaniyada waxa laga rabaa in ay wax soo saar sameeyaan”ayuu sidoo kale Waaxda dhaqanka kula dardaarmay Wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Waaxda Wargeysyada Dawan Group, Wasaaraddu si fiican ugala shaqayn doonto horumarinta waxqabadkeeda, waxaanu ugu dambeyn ka qaybgaleyaasha kula dardaarmay in ay si fiican u shaandheeyaan afkaartooda, kana soo saaraan Qorshe ku salaysan fulin wakhtiyeysan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo xubno kamida ka qaybgaleyaasha kulanka oo halkaasi hadallo ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey talaabada lagu curinayo qorshe-howleedka Wasaaradda ee sanadlaha ah, waxaanay tilmaameen in looga gol-leeyahay in lagu dardar geliyo shaqada baaxadle ee ay Wasaaraddu qaranka u hayso

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com