SOMALILAND: Wasiirka Waxbarashada Oo Washington Kulamo Kula Yeeshay Wasaarrado iyo Hayado Ka Tirsan USA

Washington (Hayaannews): Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo safar shaqo ku jooga dalka Maraykanka ayaa shirar qoto dheer la yeeshay qaar ka mida haayadaha dawladda ee dalka Maraykanka.

Kulamadaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Bashiir Good, iyo sidoo kale qunsulka Somaliland ee isla dalka Maraykanka Yaasiin Mire.

Wasaarradaha iyo haayadaha Maraykanka ah ee ay wasiir Toorno, iyo masuliyiinta kale kulamadda la yeesheen waxaa ka mid ahaa wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka (Department of State), hogaanka Arrimaha Afrika (Bureau of African Affairs).

Hogaanka Waxbarashada Caalamiga ah iyo Dhaqanka ee isla dalka Maraykanka (Bureau of International Education and Cultural Affairs), sidoo kale waxaa uu wasiirka waxbarashada Somaliland kulanka la yeeshay haayada deeqaha caalamiga ah u qaabilsan Maraykanka USAID).

Arrimaha ay ka wada hadleen wasiirka iyo haayadaha uu kulamadda la yeeshay waxaa ugu muhiimsanaa horumarinta waxbarashadda iyo tababarka xirfadaha, iyadoo mudnaanta la siinayo waxbarashadda miyiga.

Sidoo kale waxaa kulamadaasi lagu faaqiday sidii deeqo waxbarasho oo ardayda dhigaynaya jaamacadaha heerka 2aad iyo 3aad (Postgraduate studies) ee ku takhusasaya meerisyada Somaliland mudnaanta u ah laga siiyo goobaha waxbarasho ee Maraykanka.

Kobcinta tababarka bareyaasha, tababarka xirfadaha ku haboon sayladda shaqo ee Somaliland oo ay ka mid yihiin waxsoosaarka warshadaha (Production specialization), tamarta cusboonaata (Renewable energy), iyo xog-is-gaadhsiinta (Technology and telecommunication), ayaa ka mid ahaa arrimaha la isla qaatay in Somaliland laga gacansiiyo.

Waxa kaloo lagu sheegay war wasaaradda waxbarashadda Somaliland kulamadaasi ka soo saartay in wasiir Toorno, uu masuuliyiinta Maraykanka ah kala hadlay farsamadda iyo maamulka dekeddaha iyo garoomadda diyaaradaha, dalxiiska iyo hoteeladda (Hospitality), daryeelka iyo naaxinta xoolaha (Veterinary), Agriculture extension, biyo soo saarka (Hydrology).

Kalluumaysiga iyo khayraadka badda (Fishing and Sidoo kale waxay waftiga wasiirku la kulmeen haayadda Caalamiga ah ee loo yaqaano HFI360 oo ay isla qaateen inay ka wada shaqeeyaan.

Ururinta, lafogurka, faafinta, kaydinta iyo kobcinta adeegsiga xogta waxbarashadda iyo daryeelka caafimaadka ardayda (School Health Program) marine resources).