#SOOMAALIYA: Golaha wasiirada Oo Taliye Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliska

Muqdisho(Hayaannews): Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd taliye cusub u magacaabay hoggaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Sarreye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa loo magacaabay taliyha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo beddelaya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Magacaabistiisa kahor wuxuu Sulub Axmed Firin ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Duulista ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.