Taageerada Caalamiga Ah Ee Soomaaliya: Waxay Ka Qayb-qaadanaysaa Xasilooni Darada Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews): Colaadii  ka dhacday Laascaanod waa calaamad murugo leh, iyadoo ciidamo Soomaaliya lagu soo tababaray Ereteriya iyo dawladda Maraykanku ay ka barbar dagaalameen argagixisada si ay Somaliland u khalkhal galiyaan.

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedku siyaan Soomaaliya ay khatar ku tahay daganaanshaheeda.

Warbixin uu baahiyay Millateriga Somaliland ayaa lagu sheegay in deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya ay khatar ku yihiin amaanka Somaliland, warbixintu waxay sheegtay in askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood, taasi oo sababtay in ay magaaladu gasho xaalad hubanti la’aan ah.

Waxay warbixintu tilmaamtay in magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qayb ka tahay oo is diiday, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya, iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyayba loo isticmaalay in Somaliland lagu burburiyo.

“Aqoonyahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaadhan hadii Soomaaliya ay soo weerarto Somaliland, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyadoo askartii ay tababareen Eriteriya iyo Maraykanka iyo argagixiso ay la dagaalamayan Somaliland.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee Ciidanka qaranka Somaliland oo ku qornaa luuqada afka Ingiriisiga  ayaa lagu sheegay

in Taageerada Beesha Caalamka  ugu deeqday  Soomaaliya lagaga qayb qaatay xasillooni darrada ka taagan Gobalka Sool.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani-Hayaannews

Waxaana Warsaxaafadeedka lagu bayaamiyay in wax lala yaabo ay tahay  in beesha caalamku ay si dadban awood ugu siiso maleeshiyo beeleedyada ku sugan gudaha Soomaaliya inay la dagaalamaan Somaliland,taasoo keeni karta xasillooni darro baahsan oo gobolka ka dhacda.