Tababarihii xulka Qaranka Soomaaliya Oo Loo Eryey

Muqdisho(Hayaannews): Xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa shaqada ka eryay tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, kaddib markii sida ay sheegeen uu erayo ‘aflagaado’ ah u adeegsaday ciyaartooyda xulka oo tababar ku qaadana waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Bayaan ka soo baxay xiriirka Kubadda Cagta ayaa lagu sheegay in Salef oo heysta dhalashada waddanka Belgium la eryay saddex todobaad kaddib markii uu la wareegay shaqada tababarenimo ee xulka Soomaaliya oo isku diyaarinaya ciyaaraha Carabta oo ka todobaadka soo socda ka furmaya dalka Qadar.

“Wuxuu si isdaba joog ah u adeegsanayay ereyo aflagaado ah oo ka dhan ah ciyaartoyda, wuxuu ula dhaqmayay si xun tan iyo markii uu qabtay xilka xulka, mana uusan laheyn dhaqan wanaagsan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xiriirka K/cagta ee Soomaaliya.

Wareegtada lagu eryayay tababaraha xulka ayaa intaas ku dartay “Ciyaartooydu kuma faraxsaneyn tababarkiisa, madaama xirfaddiisa iyo khibradiisuba aysan aheyn kuwa gaarsiisan heerka xulka, halka aanu xitaa la imaan qorshe tababar”

Tababare Selaf ayaa la eryay waxyar kahor ciyaartii saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, taas oo ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka Jabuuti.

Taageereyaasha xulka Soomaaliya ee The Ocean Stars ayaa xiriirka K/cagta Soomaaliya ku canaantay shaqaaleysiinta tababarahan, iyagoo sheegay inay jiraan tababareyaal Soomaali ah oo ka mudan shaqada xulka, lehna khibrad ku filan, kuwaas oo ay ka tilmaameen Yuu Cali iyo Cabdi John oo labaduba ka mid ahaa xiddigii hore ee xulka Qaranka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com