Waa kuma Mulkiilaha Shirkadda INYATSU Ee Qandaraaska Lagu Siiyey Dhismaha Suuqa WAAHEEN?

boqorka dalka ISWATIINI, Mswati II
boqorka dalka ISWATIINI, Mswati II

Qandaraaska dhismaha suuqa Waaheen Waxa qaatay shirkad la yidhaa INYATSU oo uu leeyahay ninkan calooshiisha-la-ciyaarka  ee boqorka dalka ISWATIINI, Mswati II ayaa la yidhaa. Waxaa kale oo uu leeyahay: INYATSU waa weel lagu lunsado shacabka reer ESWATINI (IS-WADA-SIIN)

  1. Dhul cabirkiisu yahay 17,000 km2. Waa dhulka ugu balaadhan ee qof keli ahi leeyahay aduunka.

2  15 haween oo uu qabo waanu kordhinsan karaa oo daba furan yahay liisku

3.Diyaraad khaas oo uu dhawaan soo iibsaday dabaaldegiisii dhalasadiisa.Miisaaniyada dalka waxaa diyarada oo keljya ugu jira lacag ka badan 6 milyan oo doolar.

  1. 15 qasri oo madaxtooyo ah iyo dhismayaal kale.
  2. 120 gaadhi oo ah ku la yidhaa BMW-ga
  3. 11 gaadhi oo ah kuwa la yidhaa Royce-ka

…. Ninkaasi dalka uu maamulo waxaa ku nool dad dhan 1.9 milyan oo ay 63% saboolyhiin kuna nool yihiin $1 wax ka yar maalinkii, halka ay 26% dadkiisu qabaan cudurka aydhiska (waa dalka ugu sareeya dunida ayaan filayaa). Dalka waxaa ka jira wax la yidhaa URURO siyaasaasadeed iyo Gole wakiilo ah oo magac u yaal ah.

Waxaan garan la’ahay Suuqa Waaheen & Soomaalilaan sida ay u iaku barteen ? show  waa la la dhacsan yahay oo waxaa la rabaa in dalkani ISWATIINI noqdo ! Xataa shirkada ESWATINI ee IYATSU kuma jirto liiskiikoobnaa ee u dambeeyay ee la baahiyay.Taa macnaheedu waxa weeyi tartan aanay ku jirin bay kaalinta koowaad gashay. Wax kasta oo dhacay 5tii sano ee u dambaysaysay waad fahmaysaa markaad fahanto Iswatiini. Aan u mahadceliyo Guddida qandaraasyada ee wax na fahansiisay..

“ISMA OGIDE, ISWATIINI BAAD KU NOOSHAHAY”

boqorka dalka ISWATIINI, Mswati II
boqorka dalka ISWATIINI, Mswati II

Xamse Khayre

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com