“Xeerka Ururka Suxufiyiintu Waxooga Toostoosin Ah Ayuu U Baahan Yahay” Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali-MAREEXAAN.

“Xeerka Ururka Suxufiyiintu Waxooga Toostoosin Ah Ayuu U Baahan Yahay” Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali-MAREEXAAN.

“Doorashadu Markay Timaado Sharci-baa Dhigaya inay Dhex Ahaato Warbaahinta Qaranku” Wasiir Cali Mareexaan.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚  𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Hargeysa(Hayaannews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumadda JSL Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa ballan qaaday in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabyo tiro doono Xeerka Saxaafadda Somaliland,  loona horgayn doono goleyaasha sharci dejinta.

Wasiirku waxa uu sidaas ka sheegay munaasibad lagu xusayay xuska caalamiga ah ee maalinta warbaahinta adduunka  oo lagu qabtay caasimadda Hargaysa isla markaana ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE, Ururrada Saxaafada ee Somaliland, iyo marti sharaf kale.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed wuxuu ugu horayn hambalyo u diray guud ahaan Saxaafada Somaliland, Kuwa Africa iyo kuwa caalamka kaleba, ‘’Waxaa dhab ah in Saxaafaddu shaqo adag hayso oo dunida oo dhan muhiim u ah innagoo JSL ahna muhiim inoo ah, shaqo cid haysaana ama Xukuumad ha ahaato ama Saxaafade’e kolayba ma dhaliil la’a, markaa waxay u baahan tahay in daacadnimo, run iyo waddaninimo in lagu shaqeeyo,’’ ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Warfaafintu waxaa kalooc uu ka hadlay halka uu marayo Xeerka saxaafaddu, waxaannu yidhi

‘’Xeerka Saxaafadda marka laga hadlayo waxaa jira xeer 27 oo soo baxay 2004-tii, waa xeer kooban wuxuuna u baahan yahay in la ballaadhiyo oo kaabis lagu sameeyo si wixii ka dhiman loogu daro, guddida suxufiyiinta  ee SOLJA waanu iska aragnay, markaa  xeerka nuqul  ayaanu haynaa horena wasaaradda Warfaafinta intii anigu aanan joogin iyo ururka Suxufiyiintu way ka wada shaqaynayeen xeerkan, markaa meel fiican ayaa la soo gaadhsiiyey, xeerkani dhawr iyo todobaatan qoddob ayuu ahaa waan wada akhriyey, xoogaa yar oo toos toosin ah ayuu u baahan yahay, sidaa awaadeed si dhakhso ah ayaynu isugu imanaynaa si aynu u qabyo tirno xeerka kadibna sida Procedure-ku yahay waxaynu u gudbinaynaa golaha wasiirrada halkaas ayuu golaha wakiillada uga tagi doonaa haddii alle yidhaa.”

Wasiir Cali Xasan wuxuu dul istaagay sababta keentay in xeerka Saxaafadda la dhaqan gelin waayo muddo labaatan sanno ka badan isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi ‘’Aniga waad ogtihiin inaan in badan ahaa golaha wakiillada gaar ahaan xilliyadii dawladii Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, mushkilada ugu weyni waxay ahayd marka xeerkan baarlamaanka la hor keeno oo la yidhaa ha laga doodo Guddoomiyahayagii Cabdicasiis Samaale wuu joogaa, saxaafadu waxay nagu soo qaadi jirtay olole iyagoo u arka in loo tashanayo dabadeed iyagii ayaa la kala raaci jiray halkaas ayaanu ku dhiman jiray xeerkaasi, markaa saxaafada ayaa sabab u ahayd in xeerkani halkan soo gaadho, laakiinse iminka horumar ayaa muuqda kaas oo ah in Xukuumaddii, Saxaafaddii iyo ururradii saxaafaduba ay diyaar u yihiin in xeerkii la dhaqan geliyo’’.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu  waxa uu sheegay in danta dalku ku jirto in  waddanku uu inoo qurux bato “Danteenu waxay ku jirtaa Dalkeenna oo inoo hagaaga, sidaa awgeed waxaan loo baahan yahay Saxaafadda sawirka qaranka ka baxayaa inuu qurux badnaado, saxafi kastaa marka uu hadlayo wuxuu yidhaahdaa saxaafadu waa muraayadii dalka, markaa haddii ay muraayadii dalka tahay waxa dibadda kaaga baxaya ha wanaagsanaado sidaas darteed waxaan idin leeyahay waxa aynu wada leenahay aynu wada ilaashano.”

Wasiirka warfaafintu waxa uu caddeeyay in warbaahinta qaranku ay dhex tahay marka ay doorashadu timaadana uu xeer jiro isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi ‘’Waxaa la igu yidhi warbaahinta qaranku dhex ha ahaato horta iminkaba waa dhex doorashadu marka ay timaadana sharci ayaa dhiga inay dhex ahaato oo loo tartamo oo cid waliba timaado si ay doodeeda uga qabsato laakiinse qolyaha mucaaridka ahi yaanay sas ka qabin Telefishanka qaranka iyo idaacada Radio Hargaysa, waxaan leenahay ha yimaadaan iminka horena waanu ugu casuunay, waxay doonayaana ha sheegaan.”

“Xeerka Ururka Suxufiyiintu Waxooga Toostoosin Ah Ayuu U Baahan Yahay” Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali-MAREEXAAN.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland