Xisbiga UCID Oo Iclaamiyay Wakhtiga Uu Xidhmayo Liiska Murrashaxiintu

Hargaysa (Hayaannews): Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID ayaa shaaciyay wakhtiga kama danbaysta ah ee ay xidhmayaan qabashada Arraa’jida murrashaxiinta uga tartami doona Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka.

Wakhtigaasi oo ay sheegeen inuu ku eg yahay 25-ka bishan February, isla markaana wixii mudadaasi ka danbeeya ay xidhmayso qabashada codsiyada murrashaxiinta doonaya in ay u tartamaan doorashooyinka.

Sidaasina waxaa sheegay xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan, oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbigaasi ee magaaladda Hargaysa.

Cabdinaasir, waxa uu intaaasi ku daray inay muddo 10 maalmood ah ay haystaan murrashaxiintu loogana baahan yahay in ay ku soo dhamaystiraan wixii shuruudo ah iyo codsi ah ee looga baahan yahay.

Iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyana xisbigu uu guddo gelin doono soo saarrida liiska kama danbaysta ah iyo u gudbinta murrashaxiinta ee guddiga doorashooyinka.

Waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ka faraynaa dhamaanba guddoomiyeyaasha goboladda iyo degmooyinka dalka ee xisbiga UCID in ay ku eg tahay mudadda qabashadda arraaji’dda ama codsiyadda murashaxiinta u tartamaya doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka 25-ka bishan February”.

“Iyadoo wixii 25-ka bisha wixii ka danbeeyana ay codsiyadu xidhmayaan. Fariintaasi ayaanan ogaysiinaynaa in ay ku diyaar garoobaan cidii danaynaysa inay u tartanto doorashooyinka Wakiiladda iyo deegaanka ee xisbiga UCID” ayuu yidhi C/naasir Cismaan.

Geesta kale xoghayaha UCID waxa uu guddoomiyeyaasha goboladda ee xisbiga ku war-geliyey in ay dedejiyaan soo gudbinta murrashaxiinta goboladda iyo degmooyinka iskaga sharaxaya xisbigaasi.

Isagoona murrashaxiinta hanka leh ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan wakhtiga kooban ee ay haystaan.

Waxaanu yidhi, “Mudadda ay u qorsheeyeen guddiga kala xulista murashaxiintu xisbi ahaan, iyaduna waxay ka bilaabaynaa 25-ka isla bishan February ilaa iyo 5-ta bisha saddexaad. Mudadaas tobanka maalmood ah ayay guddiga xisbiga u qaabilsan kala xulista murashaxiintu ay ku hawlanaan doonaa.

Waxa kaloo aanu diyaarinay liiska kama danbaysta ah, in 10-ka bisha saddexaad ee isla sanadkan 2021-ka dalkoo dhan aanu shaacin doonno liiska kama danbaysta ah, ee aanu u xulayno in ay u tartamaan goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda, ee lixda gobol doorasho iyo 23-ka degmo doorasho.

Waxaanu 14-ka bisha saddexaad ee sanadkan 2021-ka aanu u gudbin doonaa komishanka doorashooyinka liiska kama-danbaysta ah ee murashaxiinta Wakiiladda iyo deegaakaba”.

Dhinaca kale Cabdinaasir Yuusuf Cismaan, waxa uu tilmaamay in xisbiga UCID uu doonayo in uu soo xullo oo ay doorashooyinka uga qayb-galaan murrashaxiin aqoon, Karti iyo tayo leh oo noqon kara adeegayaal bulsho oo wax qabad leh.

“Waxaanu bulshadda u balan qaadaynaa haddii aanu nahay xisbiga UCID in aanu u soo xuli doonno, murashaxiin tayo leh, oo aanu dhinac walba ka eegnay. Aqoontoodda, akhlaaqdoodda, diintoodda, kartidoodda, iyo dal-jacaylkoodaba.

Si ay berri ka maalin iyaguna bulshadda iyo xisbiga laftiisaba wax ugu qabtaan, oo aanay u noqonin kuwo aan xisbiga Biriijka uun ku dhaafin” ayuu yidhi xoghayaha guud ee UCID.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland