“Xisbiyadda Mucaaradka Ahi Waa iney ku Soo Laabtaan Xayndaabka Qaranimadda Somaliland Oo Aad Uga Fog Fedaraal iyo In Koonfur Laysku Noqdo” Wasiir Maxamed-KAAHIN

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Ururadii Siyaasiga ahaa la furayo,isla markaana loo baahan yahay inay shacabku ka doortaan Ururo Mudakara oo ilaaliya qaranimada Somaliland.

Sidaa waxa uu ku sheegay Wasiir Maxamed Kaahin mar uu maanta ka hadlayay Xaflad loo sameeyey dabaal-dega Xisbiga KULMIYE oo 20-jirsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo madasha ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan lahaa, ayaa si qoto dheer u sharraxay taariikhda guusha iyo ilbaxanimada ku sidkan ee xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay in KULMIYE dalka geliyey tacab badan, horseedna ka noqday dedaalo midho dhalay oo dalka iyo dadkaba loogu horseeday horumar iyo guul taariikhi ah.

“Umadda reer Somaliland waxaan u sheegaynaa Ururadii Siyaasiga ahaa waa la furayaa. Ururo siyaasi ah oo mudakara oo qaranimada Somaliland ilaalinaya ka doorta ururada furmaya ee tartamaya ” Ayuu yidhi Guddomiye ku xigeenka 1aad ahna Wasiirka arrimaha Gudaha JSL Mohamed Kaahin Ahmed

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com