Xukuumadda Oo Beesha Caalamka Ku Boorisay Inay Faro-geliso Xadhiga Sharci-darada Ee Loo Haysto Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Lagu Jidh Dilo Xabsiga Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale ayaa ku booriyey saaxiibada caalamka, deeq-bixiyayaash iyo hay’addaha xuquuqul insaanka inay dhowraan xuquuqda aasaasiga ah Muwaadiniina reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, isla markaana si deg deg ah loo sii daayo Lix dhalinyaro u dhashay Somaliland oo Dawladda Soomaaliya ay Muqdisho ku xidhay isla markaana la sheegay in lagu jidh-dilay.

Dr. Ciise Kayd waxa uu xusay in dhowkii bilood ee u dambeeyey muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay kala kulmayeen xadhig sharci-daro ah ha’addaha Dowladda Soomaaliya, sidaasdarteedna, uu xidhiidh la sameeyey saaxiibada beesha caalamka iyo hay’addaha u olooleeya difaaca xuquuqda bini’aadamka. Kuwaas oo uu ku booriyey inay dhowraan xuquuqda aasaasiga ee dadkaas u dhashay Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Kayd ayaa war uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yidhi’

“Dhawrkii bilood ee u dambeeyay muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho waxa ay la kulmaayeen xadhig aan hore loo arag oo ay ku kacayaan hay’adaha dawladda. Dhacdooyinkan si dhow ayaan u la soconnay waxaana la xidhiidhnay saaxiibada caalamka, deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha xuquuqul insaanka anagoo ku boorrinayna saaxiibada caalamiga ah inay dhowraan xuquuqda aasaasiga ah ee dadka la xidhay iyo in si degdeg ah loo sii daayo.

in si degdeg ah loo soo fara-geliyo.gaar ahaan 6-muwaadin oo reer Somaliland ah oo ilaa 15-kii February ku xidhnaa iyada oo aan wax dambi  lagu haynin. Waxa na soo gaadhayay warar dhiillo leh oo sheegaya in la jidh dilayo, isla markaana ay xidhan yihiin iyadoo aan maxkamad la soo taagin.

Dhallinyarada Muqdisho ku xidhan oo u kala shaqeeya Hay’adaha ICAO iyo WFP, ayuu Wasiirku magacyadooda ku kala sheegay:-

  1. Mubarik Nur Ali (ICAO)
  2. Nuradin Ileeye (ICAO)
  3. Abdirahman Abdilahi (ICAO)
  4. Khalif Salaf (ICAO)
  5. Mohamed Abdirahman (WFP)
  6. Almis Saleeban (WFP)

Dawladda Soomaaliya ayaa dhallinyaradan ku khasbaysa inay qirtaan dilkii Cabdinaasir Dahable oo ay Muqdisho si arxan darro ah ugu dishay Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland