Xukuumadda Somaliand Oo Ku Eedeysay Dawlada Soomaaliya Inay Deeqihii Waxbarasho Ay Ka Hor Is-Taagtay.

Hargeysa(Hayaannew): Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shaacisay  inay dowlada Soomaaliya ay ka hor istaagtay 7 ka mid ah 10-ka dal ee ardayda Somaliland deeqo waxbarasho siin jiray

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe, ayaa golaha wakiilada u sheegay in dowlada Soomaaliya ay hor istaagtay, deeqihii waxbarasho, sida guddida tacliinta sare la wadaageen golaha.

“Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libiya, Turkey, Maleysiya, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaliya” ayuu yidhi Casoowe.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi”Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyada lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada woxoodii”.

Dowlada Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbaysay waday dadaalo, ay Somaliland kaga joojinayso dhammaan deeqaha aan Muqdisho soo marin.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com