Xukuumadda Somaliland iyo Golaha Degaanka Caasimada Hargeysa Oo Dagaal Ka Dhex Qarxay.

Hargeysa(#Hayaannews)Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan ayaa u magacaabey guddi farsamo oo ka kooban 11 injineer dib u dhiska suuqa Waaheen iyo hubinta babqabka suuqyada kale ee dalka Somaliland.

Wasiirka hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Mr. Abokor ayaa wareegto uu ku magacaabey guddigaas waxa uu ku sheegay in ey wadda shaqeyn dhow la yeelan doonaan dhamaan Dowladaha hoose ee dalka Somaliland, gaar ahaan Dowladda hoose Hargeysa mudada ay ku hawlan tahay nashqadeynta suuqa Waaheen oo dhawaan ku shuf beelay dab ka kacey dhexdiisa.waxana uu xusey in xubnaha guddigan ay ku jiraan labo xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa.

Wareegtadan uu Wasiirka hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan ku magacaabey guddigan ayaa ka hor imaneysa wareegto uu hore u soo saarey Maayorka Caasumada Somaliland ee Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, kaas u magacaabey guddi ka kooban xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, iney ka shaqeyn doonaan dhamaan arrimaha la xidhiidha wax ka qabashada dhibaatadii cusleyd ee oo gaadhey suuqa Waaheen.

Nuquladda labada wareegto ee ay guddiyadaas ku soo kala magacaabeen Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan iyo Maayorka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa u dhignaa sidan:

War-saxafadeedka ka soo baxay shalay Wasaaradaha Hawlaha guud iyo Guryeynta ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Tixraaca wareegto madaxwayne oo Sumadeedu tahay JSL/XM/G/083-839/042020 kuna taariikhaysan 03/04/2022 Kana soo baxday xafiiska Madaxwayanaha JSL nuxurkeeduna ahaa Gudida Qorshaynta Suuqyada Ganacsiga Ee Dalka.

Tixraac xeer 71 qodobkiisa 34aad farqada 5aad 6aad Ee ku waajibinaysa wasaarada Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryaynta Xadidida halbeega dhismaha Iyo kormeer dhismaha si looga badbaadiyo Muwaadininta khataraha dhismaha.

Tixraaca Waraaqda Sumadeedu Tahay WAG/XW/187/02/2022 Ee ku taarikhaysan

07/04/2022 kana soo baxday xafiiska

Wasiirka Arimaha Gudaha nuxurkeeduna diyaarinta i fulinta qorshaha magaalooyinka Ee Suuqyada Dalka.

Wasaarada Hawlaha Guud Waxay Isugu Yeedhay Mudanta Injineerada Dalka Ee lagu Tuhmayo aqoon Iyo waayo aragnimo shaqo.

Oo Xeer dheer si ay u hogaamiyaan dib u Dhiska suuqa waaheen Iyo inay dajiyaan Nidaamka lagu hubinayo badqabka Suuqyada kale Ee dalka.

Sidaa daraadeed waxa uu xubnaha hoos ku Xusan u magacaabay inay noqdaan gudida farsamo Ee suuqyada dalka.

  1. Maxamed Cabdi Geedi (Gudoomiye)
  2. Ciise Yusuf Guled xamari (G,k,xigen)
  3. Cabdiqadir Iman Warsame (project Manager)
  4. Surur Sh, Maxamud Warsame (Xubin)
  5. Maxamed Siciid Ayaanle (Xubin)
  6. Axmed Maxamed Shirwac (Xubin)

7.Axmed Jamac Adan(Xubin)

  1. C/raxmaan Maxamed Aar (Xubin)
  2. Khadar Maxamud Guled (Xubin)
  3. Siciid Maxamud Mire Xubin)
  4. Xamse Maxamed Nuur (Xubin)

Fiiro Gaara

Xubnaha gudidu Waa inay wada shaqayn Dhaw la yeeshaan dhamaan dawladaha hoose Ee dalka gaar ahaan dawlada hoose Ee hargaysa mudada ay ku hawlan yihiin Nashqada suuqa waaheen.

Waxaa xubnaha gudida ka mid noqon doona laba xildhibaan Ee ka tirsan golaha Deegaanka hargaysa Ee hoos ku xusan.

  1. Eng Jaamac Adan Xadi (Mideeye)
  2. Eng C/risaaq Maxamed Faarax (wiiwaa)”

Dhinaca kale War-saxafadeedka shalay Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa ay soo saareen ayaa waxa uu u dhignaa sidan

“Anigoo ka Duuliya Xilka Golaha Deegaanka sida uu dhigayo Xeer Lr23/2019 Qodobkiisa 40aad Farqadiisa 4aad,5aad,6aad iyo 7aad oo ka Hadlaysa Doorka Dawladda Hoose ay ku leedahay ka jawaabida Aafooyinka Dabiiciga ah,kormeerka dhismayaasha,Asaasida Suuqyada ,kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahida wakhti Xaadirkan loo qabo in laga jawaabo masiibadii dabka ahayd ee baabi’say suuqii waynaa ee Waaheen oo sababay in muwaadiniin badani ku caydhoobaan.

Sidaa Daraadeed,aniga oo ka duulaya arintaasi sare ku xusan.Waxaan maanta oo ay Bishu Tahay 26/4/2022 magacaabay gudi u gaar ah oo ka shaqaysa dhamaan arimaha suuqa Waaheen iyo Xidhiidhada Cid kasta oo lagala shaqaynayo dhibtii ka dhacday suuqa waaheen.

Magacyada gudiguna waa sidan Hoos ku Xusan.

  1. Aadan jaamac xaddi (Mideeye) Gudoomiye.
  2. Yaasiin Cumar Cabdi (G.ku Xigeen).
  3. Siciid Nuur Jaamac (Xoghaye).
  4. C/Risaaq Maxamed Faarax ‘Wiiwaa’ (Xubin).
  5. Jamaal Cismaan C/laahi ( Xubin).
  6. Xuseen Ibraahim Askar (Xubin).
  7. Axmed Yoonis Aadan (Xubin).
  8. C/Raxmaan C/laahi Fidaar (Xubin).
  9. Khadar Yuusuf Cali (Xubin).

Ugu Damabayn,waxaan Rajaynayaa in Xubnaha Gudida kor ku Xusan in ay Xilkooda u Gutaan si Hufan. Dadkoodana ay ugu adeegi doonaan si cadaalad ah oo waafaqsann shuruucda Dalka JSL.

FG: Warqadan Magacaabista ahi waxa ay Soo Baxday 26.4.2022 waxaana la Baahiyay Maanta oo ah 4.May.2022.

#Hayaannews

#Mustafe_Janaale