Xukuumadda Somaliland Oo Ka Tacsiyadeeyey Shacabka Kenya Geerida Kibaki

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka tacsiyadeysay dalka Kenya geerida ku timi madaxweynahii hore Mwai Kibaki.

Dhambaalo tacsi ah oo la xidhiidha geerida Madaxweyne Kibaki oo Madaxweynaha Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda u direen ayey ku yidhaahdeen;

“Waxaan aad uga naxay geerida Md. Mwai Kibaki, Madaxweynihii hore ee Kenya. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Madaxweyne Emilio Mwai Kibaki.” ayuu yidhi Madaxweyne Md Muuse.

Sidoo kale tacsida Wasaaradda Khaarajiga ayaa lagu yidhi, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Kenya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Mwai Kibaki, Madaxweynihii hore ee Kenya. Dareenkeena iyo ducadeena waxay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Kenya.