Xukuumadda Somaliland Oo Maamul Daadejin Ku Sameysay Waxbarashada Aasaasiga Ah Ee Dawladaha Hoose Iyo Madashii La Isku Arkay

Xaflada Heshiiska Dhammeystirka Mashruuca Maamul-daadejinta Wax-barashada Aas-aasiga oo si weyn loo soo dhaweeyey.

Hargeysa-(Hayaannews)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay heshiiska dhammaystirka mashruuca maamul-daadejinta Wax-barashada Aas-aasiga ah ee Dawladaha Hoose oo maanta lagu qabtay Machadka Dawladaha Hoose ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey maamul-daadejinta Wax-barashada Aas-aasiga ah oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay hoolka Shirarka ee mac-hadka dowladaha Hoose LGI  ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland si rasmiya ugu wareejisay dowlaha hoose maamul-daadejinta Waxbarashada aas’aasiga ah ee degmooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabiley. Kuwaasi oo maanta laga bilaabo maamuli doona.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno,) oo ku dhiiraday inuu daadejiyo Wax-barashada Aas-aasiga ah, ayaa waxa waxa uu yidhi “Waxaan ku wareejinay Dawladaha Hoose 322 Dugsi,1814 Shaqaale ah”.

Maayirada Magaalooyinka Saddex Magaalo oo kala ah Maroodi-jeex, Berbera iyo Gabilay ayaa maayiradoodu si rasmiya ugala wareegeen maamul daadejinta Waxbarashada Aas’aasiga ah.

Maayirka Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa si rasmi ah ula wareegay maamul daadejinta Waxbarashada Aas’aasiga ah.

“Waxaan jecelahay inaanu door ku lahaano Macalimiinta sida loo xulayo iyo meelaha lagu tababarayo” Ayuu yidhi Maayorka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

Maayirka Dawlada Hoose Ee Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) ayaa si rasmi ah ula wareegay maamul daadejinta Waxbarashada Aas’aasiga ah.

“Waxaanu ku dadaalaynaa in waxbarashadu halkaa meel ka sareeya ay gaadho” Ayuu yidhi Maayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin)

Maayirka Dowladda Hoose Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar ayaa si rasmiya ula wareegay maamul-daadejinta Waxbarashada Aas’aasiga ah: “Waxaan u mahad-celinaynaa Wasaaradda waxbarashada oo ku dhiiratay in maamul-dadejinta ay sammeyso” Ayuu yidhi.

Agaasimaha Mac-hadka Dawladaha Hoose LGI Iid Muuse oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:  “Kulankan waa kii u horeeyay ee lagu qabto machadka dawladaha Hoose ilaa intii la dhisay……….”

”U-jeeddada kulankani waxa weeyi in dawladdaha hoose nagala wareeggaan masuuliyadda waxbarashadda ee dugsiyadda hoose dhexe” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashadda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wax-barashada Iyo Sayniska Dr Cabdihakim Siciid Bustaale  ayaa ku tilmaamay heshiiska dhammeystirka mashruuca maamul-daadejinta Wax-barashada Aas-aasiga ah ee Dawladaha Hoose hormarka dhismayaasha hay’adaha

”Hawshani waxa ay ka turjumaysaa horumarka dhismaha Hay’addaha dawliga ah”. Ayuu yidhi BUSTAALE.

Maayirka Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo si rasmiya ula wareegay maamul daadejinta Waxbarashada Aas’aasiga ah
Maayirka Dawlada Hoose Ee Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) oo si rasmiya ula wareegay maamul daadejinta Waxbarashada Aas’aasiga ah.

 

Maayirka Dowladda Hoose Degmada Gabiley Maxamed-Aamiin Cabdi Cumar ayaa si rasmiya ula wareegay maamul-daadejinta Waxbarashada Aas’aasiga

Agaasimaha Machadka Dawladaha Hoose LGI ee Hargeysa Iid Muuse
Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland XERGEEYE
Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (SAYLICI)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com