Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Dalbatay Qaramada Midoobay In La joojiyo shaqada Xafiiska UNSOM

Muqdisho(Hayaannews):- Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay Joojinta Shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).
Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay maanta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda dowladda, waxayna dowladdu sheegtay inay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tix-galinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.