BAAL-GORAY HALDHAA Axmed Mooge Liibaan

Axmed-Mooge-Liibaan-Hayaannews

Erayada heestan waxa Hal-abuuray Axmed Muxumed Xayd (Qadari) oo markii iigu war dambaysay ku noolaa magaalada Hargeysa kuna xoogsan jiray Gaadhi Bas oo ah kuwa rakaabka qaada.

Abwaanku wuxuu ku noolaa markii uu heestan curiyay dalka Qadar, sida ka muuqata magaciisa.

Abwaanku wuxuu leeyahay heeso kale oo Axmed Mooge Liibaan (AHN) uu qaaday, oo ay ka mid tahay Heesta (Qadar) erayadeedana ka mid yihiin.

[Adigaa galbeed iyo goljaniyo Hargeysiyo guryosamo ku nooloo Geel dhalay ku maalee]

Hadaba aynu ku laabano heestan BAAL-GORAY, marka laga hadlayo taariikhda Fanka iyo Suugaanta soomaaliyeed waxa loo wariyaa qaabab kala duwan sababta curinta iyo halka ay ku aroorto ama ujeeddada Runta ah ee ay ku timid.

Heestan BAAL-GORAY iyo QADAR, waxa la sheegaa in Abwaanku u sameeyay gabadh reer Hargeysa ahayd, taas oo aan 100% la hubin xaqiijinteeda.

Qofka kaliya ee warkaas laga xajiijin karo taariikhda faneed ee suugaantani waa Abwaan Axmed Muxumed Xayd (Qadari). Balse wali maan arag raadraac iyo xog faneed oo laga dhiteeyay, ama waraysi laga qaaday midna.

Hadaba maxaad ka xusi kartaa xogta iyo xaqiiqada faneed ee heeladan iyo kuwa kale ee Abwaanku Hal-abuuray?

Erayada. Axmed Muxumed Xayd (Qadari)

Music. Xuseen Cabdi Ibraahim (Caydaruus) oo reer Djibouti ah.

Codka. Axmed Mooge Liibaan (AHN).

HALKAN HOOSE KA DAAWO HEESTA BAAL-GORAY HALDHAA

Axmed-Mooge-Liibaan-Hayaannews

Qalinkii: Maxamed Mahad

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com