Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan -WQ: Axmed Nuur Muuse

Hordhac: Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorasho toos ah oo daah-furani ka dhacdo. Taas awgeed, JSL waxa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay hormuudka doorashooyinka iyo siyaasadda ku dhisan xilwareejin nabdoon ee waddamada Afrika.

Walow waayadan dambe Somaliland lagu canaanto doorashooyin mudo- dhaafay; xil-hayeyaashii Goleyaasha Deegaanka (GD) iyo Xeer-dejintu (XD) ba ay wali iska dul-hawaaraan kuraastii iyada oo muddo-xileedkoodii dhammaaday. Ta se ugu wayn ee ay JSL ku
tahay hormuudka Geeska Afrika marka ay timaaddo doorasho iyo dawladnimadu waa:sida ay salka ugu dhigtay hannaan dawladnimo oo ku dhisan codbixin, xisbiyo badan iyo siyaasad la saadaalin karo oo qaangaadhay.

Sideedaba, codbixinta iyo doorashadu waxa ay ka dhigan tahay ballanqaad iyo himilo
la rabo in baahiyaha bulshada la dayactiro; lana abuuro siyaasado lagu ilaalinayo dhawrista
xaqa aasaasiga ah ee muwaadinka. Sida caadiga ah, cidda wax dooranaysaa waxa ay rabtaa in ay hesho adeegayaal han sare leh oo awood iyo aqoon u leh in ay habeeyaan hawlaha
horumarka bulshada, kana haqabtiraan muwaadiniinta adeegyada aasaasiga ah.

Codbixiyuhu waxay tahay in uu ka fiirsado cidda uu ku aaminayo balanqaadkaas, waana in ay u cadatahay waxa uu dhaafsanayo caleemo-saarka uu cid kale ugu cumaadayo in ay hoggaanka bulshada qabato.

Marka balanqaadku noocaas yahay, ayna kala cadahay waxa lays dhaafsanayo, waxa
imanaysa in laysla xisaabtamo, oo hoggaanku wuu ka haybadaysanayaa shicibkiisa.


Kaalinta GD oo qaabkan loo fahmaa waxa ay xoojinaysaa isla xisaabtan mug leh oo ka
hanoqaada dalka; waxa ayna shicibka iyo GD ka dhex abuuraysa xidhiidh wada-shaqayneed.


Sidoo kale, waxa ay meesha ka saaraysaa niyadjabka, rejo beelka iyo kalsooni-darrada haatan kala dhex taalla madaxda siyaasadda iyo bulshada.

Doorashada qabyaalada iyo qof-jeclaysiga ku dhisanna waa la xaddidi karaa ama ba meeshay ka bixi kartaa, haddii fahamkaas la isla qaato. Waxa imanaysa muwaadinku in uu u arko bixinta codkiisa xilliga doorashooyinka heshiis iyo damaanad culus oo dhex taal isaga iyo addeegayaasha GD.

Waa marka uu codbixiyuhu wax ku dooranayo in wax loo qabto, bal se aanu qabiil ama mid ay is ku reer yihiin u codaynayn. Taas ayaa ku khasbaysa GD in ay u hayelsanaadaan, una dhego-nuglaadaan shicibka, muujiyaanna jajabnaan dheeraad ah oo ku wajahan daboolista bulshada ee aasaasiga ah.

Hishiiskaas dhex maraya muwaadinka iyo GD waa in loo arkaa in uu yahay ballanqaad
Eebbe iyo uunku ba marag ka yihiin. Sidoo kale, muwaadiniinta laftooda, waxgaradka iyo
urrurada maxaliga ahi ba waxa ay ku baraarugsanaanayaan ilaalintii axdigaas; hadh iyo
habeen na waa ay isku taxalujinayaan in ay dusha kala socdaan meel marintiisa. Taas waxa
laga dhaxli karaa kobac ku yimaadda fahanka, garaadka iyo kalsoonida shicibka ee ku
waajahan arrimaha dawladaha hoose; ugu dambeyna waxa ay xoojin doontaa isla-xisaabtan
dhab ah.

Dawladda Dhexe, Xeer-ilaalinta iyo Goleyaasha Xeer-dejinta Qaran iyaguna xil culus
iyo cadaadis ayaa fuulaya, oo waxa ay ku khasbanaanayaan in ay si joogto ah u kormeeraan
dhawrista ballanqaadkaas.

Laga soo bilaabo markii Somaliland go’aansatay hirgelinta GD iyo fidinta maamulka
dawladnimo waxa sii kordhaysay xiisaha loo qabo maamul daadajinta iyo ballaadhinta
adeegyada aasaasiga ah ee ay dawladaha hoose bixiyaan. Gobollada iyo degmooyinka ba
waxaa ka aloosmay baraarug ku waajahan dawladaha hoose; nasiib darro se xiisahaasi ma
korin, mana dhaafin ashqaraarka doorashooyin ka iyo nin-beddal aanay ka dambayn caqli
togani.

Taas oo jirta, haddana weli si mug leh oo cilmiyeysan looma baadhin, loomana fahmin
waayaha ku gedaaman siyaasadda iyo arrimaha GD JSL. Maqaalkaan, oo aan ku wado in uu
noqdo taxane, waxa aan kaga faalloon doonaa mihiimadda ay leedahay in la fahmo kaalinta
goleyaasha deegaan ee horumarka bulshada.

Waxa aan ku iftiiminayaa sida ay bulshadu ugu baahan tahay in ay ka fiirsato cidda loo dooranayo GD haatan. Waxa aan dul istaagi doonaa sida dawladaha hoose u yihiin tiir adag oo ay ku taagnaan karaan siyaasad, sharci iyo barnaamij kasta oo ku wajahan daryeelka bulshada iyo kaabayaasha dowladnimo.

Sida ay lagama maarmaan u tahay in awood buuxda la siiyo GD oo ay ku fuliyaan qorsheyaasha horumarineed ee loo igmaday, ayay iyana lama dhaafaan u tahay in laga fiirsado cidda loo dhiibayo hoggaanka ee talada golleyaasha hagaysa.

Qoraalkani maaha cilmi-baadhis rasmi ah oo aan sameeyay, se waxa uu ka soo baxay
fiirsi iyo u kuurgelis aan in muddo ahba u lahaa arrimaha dawladaha hoose iyo xamaasadda
doorashada ee inagu soo fool leh. Afkaaraha iyo sharaxaadaha ku duugan qoraalkani waa
kuwo laga sii ambo qaadi karo cilmi-baadhisyo iyo doodo lagu iftiimnayo fahanka iyo doorka
GD ee abuurista nolol xasiloon oo ay helaan shicibka JSL.

Maxaynu u Rabnaa Gole Deegaan?

Ilaa iyo maalinkii Aadam iyo Xaawa la uumey, nooluhu waxa uu u tafo-xaydanayeen
sidii ay u gaadhi lahaayeen nolol wanaagsan, oo daboosha baahiyahooda. Ina Aadam waxa uu isku taxalujiyay in uu deegaanka iyo waayaha ku gedaaman carbisto; kuna fushado dantiisa
iyo baahiyihiisa gaarka ah ee nololeed.

Deddaallada uu ku horumarinyo habka uu u adeegsado deegaanka iyo agabka uu ku fushado hawlahiisa waa nidaan aan dabkiisu damin. Lagama yaabo in uu marna joojiyo fekerka iyo himillada uu ku hagayo noloshiisa; geed dheer iyo mid gaabanna waa uu u fuuley si uu u maareeyo arimihiisa.

Taariikhda waxa ka qoran raadraaca isku-dayo iyo tijaabooyin faro badan oo uu
aadamuhu u sameeyay sidii uu u hagaajin lahaa noloshiisa. Iyada oo bulshooyinku ku kala
horreeyaan siyaabaha ay uga faa’idaysteen deddaaladaas iyo baadhitaanadaas hindiseed
haddana, midda laga siman yahay waa in aadamuhu habeen iyo dharaarba hayaan nololeed
ku jiro oo uu meel sare higsanayo.

Ma hadhsado, hankiisu na waa halka aad joogto hore uga sii hayaan. Kaasi waa se aadamaha qalbiga fayow ee fahmay awoodda iyo kartida Eebbe, koreeye, ku galladay. Aadamaha noocaas ahi had iyo jeer hammigiisu waa hagaajinta hababka uu u nool yahay iyo kobcinta qaababka iyo siyaasadaha daryeelka bulshada ee uu dejistay.

Taasi ayaa horseeday in ay bulshooyinka qaar hindisaan haykalo iyo halbeegyo horumarineed,
uumiyaha inta kale na kaga dayday isticmaalkooda. Halbeegyada la hindisay qaar baa noqday
kuwa uunka wada gaadhay, oo aqoonsaday gaal iyo Muslim ba ka helay. Waxa loo wada
qaatay in ay noqdaan qaacidooyin iyo siyaasado jaangooya dariiqyada loo marayo hirgelinta
nolol wanaagsan ee aadamahu raacdeynayo.

Hababkaas iyo siyaabahaas nolosha wanaagsan  loo sameeyo loona jiheeyo waxa ugu mudan ‘dawladnimada’. Iyada oo taasi jirto, haddana aadamuhu waa uu u kula dheereeyay tijaabada iyo isticmaalka hababka dawladnimo iyo farsamooyinka adeeg-bixineed ee la isla qaatay.

Waddamada hormoodka horumaray sheegtey, waxa ay samaysteen isla-xisaabtan iyo tartan adag oo ilaalinaya siyaasada iyo hadafyadda la isla qaatay. Halbeegyada dawlad-wanaagga iyo horumarku na waa kuwo muwaadin iyo siyaasi ba si hufan u fahmeen, la iskuna qiimeeyo hadba sida loo dhaqan geliyo. Halka waddamda kale iyaga oo halbeegii haysta, haykaladii dawladnimo iyo khayraadkii loo baahnaa haysta, hadana aanay fari ka qodnayn hirgelinta nolol habboon oo shicibkoodu gaadho. Inta lagu kala tegayna waa kartida, fahanka iyo aqoonta cidda sahanka loo dirtay, darka waraabkana loo igmaday ee wadaanta biyaha daraysa, waa hoggaaminta’e.

Eebbe, koreeye, waxa uu inoo caddeeyay nolol uu ku sifeeyay ‘nolosha wanaagsan’,
aadumuhu na yahay mid jecel raaxada iyo quruxda adduunka se ay jirto nolol waaraysa oo
dambe. Jidka saxda ah ee loo marayo noloshaas wanaagsan, waxa iyana si waafi ah innoogu
iftiimiyay Sunnaha Nabi Maxammed (NNKH). Aadamuhu se muslim iyo gaal ba waxa uu
intaaba raad gurayaa habab kale oo nolol wanaagsan loo gaadhi karo.

Maalin iyo dharaar, waxa uu wadaa baadhis, dood iyo aqoon-xooris uu ku sii iftiiminayo siyaasadaha iyo halbeegyada intii ka horreysay dejisay ee loo arko in ay nolol habaysan/wanaagsan keeni karto.

Hilinnadaas uu aadamuhu u hindisay in uu ku maareeyo unugyada adeeg-bixinta
bulshada, oo noqday astaanta nolosha wanaagsan ee muslim iyo gaal ba haybsanayo. Bulsho
ba inta deddaalkeedu iyo feejignaanteedu gaadhsiisan tahay, maqaalifo iyo xasillooni na ay u
weheliso, ayaa uu horumarkeeduna joogaa. Heerka nolol wanaagga ee bulsho lagu qiimeeyo
haatan na waxa uu ka shidaal qaataa siyaasadahaas iyo hiigsigaas hadba cidda hagaysaa sida ay ka yeesho. Waa halka uumiyaha adduunka maanta joogaa ku kala tagsan yahay.

Aadamuhu marka dhib ay soo wajaho, waxa u soo baxa heerka tamartiisa iyo baaxadda garaadkiisa. Marka ay cudurro dilaacaan, fatahaadi timaaddo, daadad na bulshada qaadaan ama colaado ba curtaan waa la kala baxaa, oo intii iyadu hore u feejignayd, hami iyo
higsina nolosha ku hagaysay si dhib yar ayay u hagaajiyaan hawlahaas, una wajahaan
carqaladahaas. Kuwiise habaaska iska hawaarnaa, tuugsi ku noolka ahaa, ee aan hor-gale
hagaagsan haysani waa ay hagaasaan; halkii ay joogeen hoos ayay uga sii dhacaan.

Mar kasta oo aad taariikhda iyo waayaha uumiyaha adduunkana eegto, kala taggaas uunbaa kusoo baxaya, oo kuwa tanaaday ee buurta figteeda jooga, waxa aad arki uun in ay ku horumareen deddaal, garasho iyo hoggamin habboon. Inta hoosta joogtana, hunguri xumo, habow iyo higsi la’aan ayaad ka arkaysaa baalasha taarikhdooda, oo haddii aad hoos u sii eeg eegto waxa aad  ogaanaysaa in hab dhaqankoodu uu yahay halka ay eedeen. Sideedaba, taariikhdu waa minqiyaas aad mooddo muraayad laga dhex arko heerarka aadumuhu soo maray iyo sida uu u kala tagay, baratankii nolol na ugu kala dheereeyay.

Tan iyo maalintii la bilaabay in goleyaasha deegaanka si toos ah loo doorto, waxa soo
if baxayey dhibaatooyin u muuqda in ay niyad-jab iyo uur-ku-taallo ku keeneen bulshada.
Hammigii iyo riyaaqii laga qabay in dawladaha hoose fidiyaan maamulka, hagaajiyaan hab
nololeedka magaalooyinka iyo degmooyinkana waxa ku dhacay dhabarjab weyn oo wiiqaya
dawladnimadii iyo xaddaaradii/ilbaxnimadii JSL gaadhay sodonkii sanno ee u dambeeyay.

Waxa aad mooddaa in tayada iyo himilada labadii gole ee kala dambeeyey ay aad u kala fog
yihiin. Goleyaashii ugu horreeyay waxa la tabaa waxqabadkoodii marka kuwan haatan jooga
arrimahooda la milicsado. Se, waa dhaqan ku goonni ah Soomaalida in kol ba cidda siyaasadda iyo talada haysa la canaanto la na ceebeeyo, halka kuwii ka hor horreeyay na ammaanaan, oo ay u arkaan in uu ka fiicnaayeen kuwa haatan jagada jooga. Waa dhaqan u baahan in dib loo eego oo ay keenayso fahan yaraan laga qabo masuuliyadda iyo muhimadda hoggaanka dawladnimo. Wali looma arko hoggaanku in uu yahay adeeg-bixiye ay khasab ku tahay in uu u dhibirsanaado una dhego-nuglaado dhawaaqa iyo baahiyaha bulshada.

Haatan oo kaltankii saddexaad ee GD loo heensaystay, waxa muuqda in doorka dawladaha hoose ee horumarka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee bulshada Somaliland aan si wacan loo fahmin. Sabatuna waa: iyada oo goleyaasha haatan iyo kuwii ka horreeyayba ay soo food saartay caqabado muuqda oo khuseeya maamulkooda iyo maaraynta hawlihii loo igmaday. Labadii kal ee isku xigey ee GD la doortay may dhicin in ay kalsooni buuxda ka helaan bulshada, lamana arag horukac la taaban karo oo ay ku soo biiriyeen nololshii magaalooyinka
iyo degmooyinka.

Marka la eego muddadii ka soo wareegtay xiligii la bilaabay GD, dhaqaalihii ay maamulayeen labadii gole ee hore iyo dayaca iyo daruufta ka muuqata magaalooyinka iyo degmooyinka, waxa aad ogaanaysaa in aan wali bulshadani fahmin doorka iyo masuuliyadda GD. Haddii in uun wax laga fahmi lahaa waxa ay tahay masuuliyadda GD, waxa la arki lahaa iyada oo lala xisaabtamayo GD ee haatan iyo kuwii ka horreeyay ba. 

Xaaladaha dhaqan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhisan qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta isir-sooca iyo takoorka leh, ayaa caqabad weyn ku noqonaysa in bulshadu si
wacan u fahanto doorka iyo kaalinta GD iyo siyaasiyiinta; isla xisaabtan hufanna hanaqaado.
Maqnaanshaha wadajir buuxa iyo niyadsami bulshada dhexdeeda ah ayaa gabbood u
noqonaya tamar la’aanta adeeg-bixineed iyo xatooyada xoolaha ummadda ee ay ku kacayaan
goleyaasha deegaan iyo siyaasiyiintuba.

Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Horumarka

Sida uu qabo Makoji (2002), GD waa unug ka mid ah maamul dawladeed, lehna
waajibka ay ku bixiso adeegyo bulsheed oo kala jaad ah, isla markaana leh astaan sharci ah
oo fasaxaya in ay bixiso hawlahaas deegan la isla ogyahay. Sidaas darteed, marka la eego
shuruudaha siyaasadeed iyo madaxbannaanaanta sharciyeed iyo maaliyadeed, GD waxa la
rejaynayaa in ay yeeshaan awood xoog leh oo maamul-hooseed, oo lagula xisaabtamo
hagaajinta iyo habaynta nolosha dadyowga ku jira xayndaabka deegaaneed ee uu ka dhisan
yahay GD.

Dawladaha hoose waxay soo mareen maraaxil kala geddisan. Xilliyadii gumaysigu
joogey, dawladaha hoose waxa ay wakiil u ahaayeen maamulka gumeysiga, hawsheeda
aasaasiga ah ee uu gumaystuhu u igmadayna badiyaa waxa ay ahayd arurinta cashuuraha,
dhawrista sharciga iyo kala dambeynta. Maamulkiii gumeystaha Ingiriisku waxaa uu soo magacaabi jirey saraakiil degmo si ay u ilaaliyaan goleyaasha kala duwan ee degmada.
Saraakiisha degmadu waxa ay si habsami leh u maamuli jireen maamulka dawladda hoose, taas oo ahayd maamulka dawladdii gumaysiga see ugu dhawaa bulshada.

Xilliyadii xoriyadda la helay, ee gumaysiga la iska kiciyay, waxa iyana halkii laga sii waday hawlgelinta dawladaha hoose, oo noqday iyana kuwa u adeega dawladihii kala dambeeyay ee dhashay. Gaar ahaan, xilligii militariga, dawladaha hoose waxa ay ahaayeen wakaaladdo u adeegga hoggaankii kacayaanka, waxa ay na xoogga saareen hanuuninta,
hagista iyo jaajuusinta shicibka. Degmooyinkii iyo goboladii waxa laga sameeyay goleyaasha hanuuninta, oo si toos ah ugu xidhnaa madaxtooyada. Dabayaaqadii kacaanka na, goleyaashaasi waxay si toos ah ugu xidhmeen, oo ay kusoo koobmeen Madaxweynaha, oo isaga ayaa magacaabi jirey ba.

Xilligan casriga ah, GD waxa ay ku dhisan yihiin sharci goleyaasha xeerdejintu meelmariyeen (Xeer Lr. 23/2019), laba doorasho oo hore na lagu glay imikana wax ka beddel lagu sameeyay sannadkii hore ee 2019. Waxa loo arkaa in GD yihiin udub-dhexaadka adeeg-bixinta dawladnimo ee JSL, iyada oo la rabo in gebi ahaanba adeegyada aasaasiga ah lagu wereejiyo iyaga.

Waxa la rabaa in ay go’aamiyaan adeegyada iyo mashaariicda halbowlaha u ah horumarka iyo maareynta nolol muwaadiniinta JSL. Habka ay u shaqeeyaan iyo sida ay u hagaan nolol bulshada ayaa ah halbeega lagu qiyaasi karo horumarka iyo hodantinimada bulshada. Adeegyada ay ka mid ka yhiin: nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka, nadaafadda, cashuurta, bilic, ciyaaraha, biyaha, deegaanka iwm; waxan oo dhan ayay tahay
in ay iyagu maamulaan. Waxii samatabixin iyo abaabul bulshadeed ah xilliyada
dhibaatooyinku dhacaan ayaa iyana ah adeeg mihiim ah oo ay GD qaban karaan. Haddii si habsami ah oo daacadnimo iyo karti ku jirto loo wajaho arimahan waxa iman karta in tayada nololeed ee shicibka JSL kor u kacdo, isla xisaabtankuna kobco.

Wakhtigan, waxa jirta fursad wayn oo mudan in xil culus la iska saaro xulista, kala-
reebista iyo igmashada xildhibaannada GD ee doorashada soo socota. Haddii la rabo in lagafogaado dhibaatooyin dhaqaale, siyaasaded, shaqaale, musuqmaasuqa iyo qabyaaladeed ee ragaadiyay goleyaashii hore, waa in maanta laga hawl galaa. Casharradii laga bartay labadii gole ee hore waa in loo adeegsado in gefafkii lagu saxo, lana hagaajiyo habka loo marayo doroashada, maamulka iyo hoggaanka GD.

Haddii la rabo in horumar waara oo tarmaya la helo, lana fahmo jihada iyo macnaha
nolol qofka muwaadinka ah, waa in isbeddel xoog leh oo dhan kastaba ah lagu sameeya habka haatan loo wado adeeg-bixinta GD. Waa in ay is-waafaqaan kobaca baahiyaha aasaasiga ah ee magaalooyinka waaweyn, kartida iyo xirfadaha hoggamineed ee GD. Si qorsheysan oo feejignaan leh haddii aan loo wajihin is-waafajinta labadaas arrimood, waxa iman kara dheelitir la’aan nololeed oo wiiqaya deddaalka iyo geedi-socodka dawladnimo ee JSL.

Hoggaan iyo maamul wanaagsan oo la helo, waxa uu jiheyn karaa bulshada oo uu ka
soo jeedin karaa fadhi-ku-dirirka aan macnaha lahayn iyo ku fooganaanta qabyaaladda.
Tayada iyo xaddiga adeega la siinayo muwaadiniinta ayaa kobcaya, waxaana si fudud loo
abuuri karaa damaanad u dhaxaysa maamulka iyo shicibka. Bulshadu markaas waxa ay fahmi doontaa in noloshu tahay adeeg-bixin iyo maaraynta baahiyaha aasaasiga ah. Intaas marka la isku shakaalo ee GD noqdaan kuwa ogsoon kaalintooda, kuna baraarugsan isla-xisaabtan iyo daahfurnaanta hufan oo daacadnimo weheliso, nolol wanaagsan ayaa la gaadhayaa Alle idamkii.

Dhanka kale, waa in aan loo ogolaan golleyaasha deegaanku in ay noqdaan kuwa
mushahar qaata, oo u soo foof taga hantida ummadda. Cidda rabta in ay u adeegto bulshada, waxa la rabaa in ay ka tanaasusho danteeda gaarka ah, oo ay naf iyo maal ba u hurto sidii bulshadan nolol heer sare ah oo haboon loogu samayn lahaa.

Maxa Inala gudboon haatan?

Si loo helo gole awood u leh in uu diyaariyo, habeeyo, fidiyo adeeg hufan oo ku haboon
nolosha bi;sjada. waa in laga feejignaadaa cidda hoggaanka qabanaysa. Xildhibaannada
goleyaasha deegaanka waxa habboon in ay noqdaan kuwo ku shaqeeya gunnooyin, oo aan qaadan mushahar joogto ah. Sida waddamada horumaray, waxa ay tahay in shuruudo adag la dul dhigo doorashooyinka GD, si loo kala haadiyo tartamayaasha, loona xusho inta la hubo in ay xilkaas ka soo bixi karto. Xildhibaanka GD waxa ay tahay in laga helo astaamahan hoos  ku taxan:

  1. Alle ka cabsi iyo dhaqan diineed: waa in uu yahay qof masuuliyaddii Eebbe ka soo
    baxay, diintu na u tahay dabar ka qabanaysa dhammanba waxii eebbe xarimay. Waa
    in uu yahay qof aqoon dheer leh oo nolol dambe iyo xisaabta Aakhiro ku baraarugsan.
  • Garasho: ma aha in qofku jaamacad ka soo baxo uun, se waxa habboon in uu yahay
    qof garasho, garaad kore iyo il-dheeraan leh.
  • Daacadnimo: qofka xil-raadiska ah waa in la jirrabaa, oo dhan kasta laga eegaa, iyada
    oo la baadhayo daacadnimadiisa, cibaadadiisa iyo runtiisa. Waxa la eegi karaa
    nololshiisii hore, iyada oo la baadhayo in ay jirto xaalada hore oo nololshiisa ka mid ah
    oo laga dheehan karo daacadnimo iyo run-sheegnimo.
  • Tacab: Waa in uu noqdo qof si madax-banaan u tabcaday nolol, lana arki karo in uu
    noloshiisa maamushay oo aanay dayac iyo baahiyi ka muuqan. Ugu horreyn, waa in uu
    yahay qof hanti leh, oo baahidii qoyskiisa iyo carruurtisa dabooley, ama arimaha
    nololshiisa iyo qoayskiisa u maareysan kara si ka madax-banaan hantida ummadda.
    Waa in aanay habayaraatee dhici karin in uu wax soo moodo hantida ummadda, oo
    hunguri iyo damac toonna aan laga fileyn.
  • Waaya-aragnimo: waa in uu lahaadaa karti hawl-qabad, oo uu yahay qof hore u soo
    shaqeeyay, kuna suntan maamul iyo hoggaamin wanaagsan.
  • Naxariis: qof danta guud iyo daryeelka bulshada ka horumariya hawlhihisa, una
    dhibirsan taageeridda dadka jilicsan iyo saboolka.
  • Hal-adayg: Qof u adkaysan kara hawsha iyo difaaca xaqa muwaadiniinta, oo gudan
    kara xilkiisa xilli adag iyo xili degen ba.
  • Aaminsan sinnaanta iyo caddaalada: Qof ka dheer takoor, kala faquuq iyo qabyaalad,
    oo dhammaanba bulshada JSL u arka hal unug oo isku qoys ah.
  • Go’aan qaadasho: qof hadalkiisa iyo ficilkiisu iswaafaqsan yihiin oo go’aan ka uu qaato
    fulin kara. Sidoo kale, waa in uu lahaadaa awood uu ku bilaabo kuna jiheeyo bixinta
    adeegyada iyo go’aaminta iyo hirgelinta mashaariicda lagu dhammaystirayo
    dawladnimada.
  1. Islaxisaabtan daahfuran: qof u dhego nugul islaxisaabtanka, ogna in bulshadu
    eegayso.

Xubinta GD ee astaamahaas kor ku xusan laga helo, lagu na xusho oo ay dhab ka tahay
dareenka ah in uu bulshada u adeego, waxa uu noqonayaa ‘mujaahid bulsheed’. Sida

halgamayaashii SNM uga dhiidhiday dulmigii iyo xaqdarradii dawladdii militariga ahayd ee AF-
weyne, ayaa uu isna ugu kacayaa in uu bulshada saboolnimada iyo daruufaha adag ee

nololeed ka saaro. Taasi marka ay timaaddo, GD waxa ay noqonayaan hawlbowlaha bulshada;
waxayna noqon karaan kuwa uga galaangal dhaw shacabka dawladda dhexe. Bal se, taasi

waxa ay imanaysaa marka ay kalsooni ka kasbadaan dadka rayidka ah, abuuraanna adeeg- bulsho oo hufan.

Iyada oo ay socdaan deddaal lagu rabo in dib u eegis iyo kaabis lagu sameeyo xeerka
ismaamulka gobolada iyo degmooyinka (Xeer Lr. 23) oo la ansixiyay sannadkii 2002, ayay
tahay in aqoonyahanada iyo daneeyayaasha horumarka bulshaduba dodo cilmiyeysan geliyaan habka ugu habboon ee loo wajihi karo isbeddal lagu sameeyo sida haatan loo wajaho doorashada golleyaasha deegaan.

Arrimaha ugu mudan ee ay tahay in hoos loo eego waxa ku jira doorashada duqa agaalooyinka, gobollada iyo ku xigeenadooda oo u mudan in si toos ah loo doorto. Sidoo kale waxa iyana wanaagsanaan lahayd in magaalooyinka laftooda wax-waaxyo loo kala jajabiyo, si maamulka iyo adeegga ba loogu sii dhaweeyo dadka, isla-xisaabtankuna u noqdo mid daah-furan. Kalsoonida iyo lexejeclada bulshada ayaa iyana sidan ku kobci karta.

Gunaanad

Bulshooyinka horumaray ee himilada fog lehi waxa ay meel dhigteen hannaan adag
oo isla-xisaabtan ah, oo dabar u ah xildhibaanada GD. Xisbiyada siyaasadda ee soo saara
xubnaha GD na waa kuwo sugan oo ogsoon awoodda shacabka, rabana in ay raaligeliyaan
bulshadooda. Sida xildhibaannadoodu ugu baahan yihin codka dadka ayay shicibkuna baahi


wayn u qabaan in ay helaan adeeg hufan oo joogto ah, la iskuna halayn karo. Taas ayaa
noqotoa hishiis iyo ballan adag oo dhextaal siyaasiyiinta iyo shicibka.

Haddii bulshadu dareento, la na arko in GD uu sagsaagayo fulinta iyo kasoo bixinta masuulliyadaas, codbixiyuhu markaas wuu ka leexdaas xisbigaas, waxaa na dhacda in hoggaanku isbadello.

Si shicibka JSL u helo adeeg hufan, uguna baxo bayhoofka iyo duruufaha adag ee
haatan lagu jiro, waa in garaadku shaqeeyaa, loo na fiirsadaa cidda talada loo dhiibayo.
Xubnaha goleyaasha deegaanka waa in loo arkaa in ay yihiin shaqaale hishiis sharci ah ku
jooga, leh na masuulliyad cad oo la xisaabin karo. Hadafku maaha in uu noqdo in qof uun
meesha la geeyo, se waa in hammiga fogi ahaadaa in bulshada loo adeeggo, oo baahi la
daboolo. Taas marka la helo, ayaa horumar la gaadhayaa, doorka dhabta ah ee GD ka na la fahmayaa, ilbaxnimada dawladnimad na si sax loo la jaan qaadayaa.

FG: Waxaan arrintan kala sheekaystay ama aan xog ka helay dad badan, oo aan ka xusi karo:


Abwaan Cabdillahi Saleebaan Bidde, Qoraa Siciid Jaamac Xuseen, Cabdishakuur Muxumed
Muuse (Heersare). Waxa iyana si mug leh gacan ii siiyay, oo qayb waxtar weyn ka geystay
sixidda, higaadda, iyo haadintaba akhyaarta ay ka midka yihiin: Mursal Ardaale iyo Khaalid
Maxamed Cabdi. Intu ba waa ay mahadsanyihiin
…………………………………………………………………………………………………………………………………………
Qoraaga:
Ahmed Nur waa Cilmi-baadhe, daneeya arimaha bulshada, caafimaadka, xaquuqda caruurta
iyo dhaqanka Soomaalida. Waa samafale ka soo shaqeeyay haayaddaha samafalka ee
caalamiga ah iyo kuwa gudaha ba, kuna takhasusay cilmiga barashada bulshada (Sociology).
Waxa uu ka mid yahay aasaaseyaasha Kuuliyadda Adeegga Bulshada (School of Social Work)
ee Jaamacadda Hargeysa, waxaanu ka noqday Hormood kuuliyadaas sannadihii (2016-2018).
Waxa uu sidoo kale masuul ka ahaa aasaaska Kuuliyada barashada saxaafada ee Jaamacadda Hargeysa (School of Journalism), oo uu iyana hormood ka noqday.
Kala xidhiidh:

ahmed.nmuse@gmail.com
+252 (0) 634767614.