Furista Ururada Siyaasadda Somaliland iyo Muhiimada Ay Leeday In Dib Loo Habeeyo Xeerarka Xisbiyada Soo Bixi Doona.

(Political parties in Somaliland need to be reformed).

Waxaa maalmahan Somaliland siyaasadeed aad looga hadlayey furitaanka xisbiyada oo sida muuqata dad badani ku doodayaan inay gaadhay xiligii la furi lahaa xisbiyada oo diiwan gelintoodu ku began tayahay May 2022, xisbiyada jirana shahaadadii ogolaanshuhu ay ka dhacayso December 2022.

Haddab dadka u ololaynaya in ururada la furo dodoodu waxay u badan tahay in isbedel loo baahan yahay, in xisbiyada jiraa noqdeen xisbiyo nin iska leeyahay ama reera gaara ku suntan.

Hadaba markii aan aad u baadhay waxaa ii soo baxday in ururada oo la fura oo kuwii hore meesh ka baxaan oo xisbiyo cusbi yimadaan amba kuwii hore qaar soo noqdaan, in aanay taasi xalka qudha noqonayn dreenka jira ama dhibaatada jirta aanay xal u noqonayn.

Waxaa loo baahan yahay in xeerarka xisbiyada dib loo habeeyo oo tusaale ahaan la cayimo mudada gudoomyaha xisbigu ahaan karo gudoomiye kaba soo qaad inaanu ka badan shan sano. In dib loo habeeyo sida loo soo xulanayo golayaasha xisbiga, sida golaha dhexe iyo gudidada fulinta, sida maaliyada ama qarashka xisbigu ku soo geli karto. In loo sameeyo gudi madaxbanaan oo baarlaamku ansixiyo oo dusha ka eegta sida xisbiyadu ugu dhaqmayaan xeerarka loo dejiyey.

Intaas waa iga tusaale dib u habayn badan ayaa lagu sameyn karaa oo loo baahan yahay.

Hadaan dib u habayn lagu sameyn xeerar cusubna aan loo sameyn xisbiyada soo bixi doona hab dhaqankoodu kama duwanaan doona kuwii la bedelay.

Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa xukuumada Somaliland, golayaasha baarlamaanka iyo dadkan doonaya in ururada la furo, in talada ay ku darsadaan in dib u habayn lagu sameeyey xeerarka xisbiyada si isbedel muuqda oo waxtar ahi ugu soo baxo isbedela ku yimaado, loona hello xisbiyo ka dhaqan iyo tayo fiican xisbiyadii hore. Waxaa fiican in aynu ka faaiidaysano wixii ina soo maray wixii horena wax ka wanaagsan ku bedello.

Allah Mahad Leh

Kosaar Aideed Abdi

London UK

3rd January 2022

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com