Kaalmada Maraykanka (U.S. Aid), Baanka Adduunka
(World Bank), Baanka Horumarinta Afrika (African Development Bank) iyo Hayadda
Caalamka Ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) afartaasiba waxay sheegaan kaalmo mug
leh oo ay ugu deeqeen Somaliland.
Kaalmadaas oo badideedu dib ugu noqoto shaqaalahooda
u badan xirfadlayaasha Kenya. Kuwaas oo ku fadhiya xilalka ugu sarreeya ilaa
kuwa ugu hooseeya, ee ay leeyihiin Hayàdahaasi.
Wax-tarka Hayàdahaasi, oo la soo rif-rifay , ayaa ku
bes-beela tuulooyinka iyo magaalooyinka ku dhaca uun, laamida teedsan Boorama
ilaa Laascaanood. Marna kama degaan laamidaas, oo dhinac uma dhaafaan. Waaba
sidii oo ay ka baqanayaan dhulka dad iyo duunyaba leh Hawd iyo Xeeb. Sidoo kale
waxaa iyana ah, Wasiirada Somaliland oo laamida mooyee aan ka war-hayn Miyaga
ballaadhan, ee ka madhan tacliin, caafimaad iyo biyo ku haboon cabista.
Soo Jeedin:
==========
1. Waxaa la gudboon Dawladda Somaliland in aanay
aqoonsan Baasboorka Kenya, inta iyaba aanay aqoonsan Baasboorka Somaliland
(Reciprocity)
2. Waa in Reer Kenya aan la siin Fisaha iyo
degganaasha Somaliland. Inta iyaba aanay siin Fiisaha dalkooda muwaadiniinta
iyo aqoonyahanka Somaliland.
3. Hayadaha kor ku xusan, ee sheeganaya inay kaalmo siiyaan Somaliland … Hadday ka dhab tahay, ha soo degaan labada dal ee aynu deriska iyo ehelka wada nahay, ee Itoobiya iyo Jibuuti. Kuwaas oo aynu wadaagno isku-socod iyo is-aqoonsi.