MADAX GEEL NINKII QAADAYBA DHIG.

Go’aanka lawada sugayo ee Maxkamadda Dastuuriga ah wuxuu soo afjari doonaa muranka sharci ee ka dhashay Xeer Lr.14 ma dhaqangalba mise maaha…!!! Go,aan lagu wadaqanco alle haynooga dhigo.

Doorasho kasta waa in waqtigeeda lagu qabto, iyadoo la raacayo sharciga iyo Dastuurka dalka JSL. Furista Ururada waa xaq dastuuriya oo cidna aanay diidi karin, sida doorashada Madaxtooyada. Maaha inaad dantaada ku jaangoyso oo labada doorasho mid u ruclayso mid kalena ay kugu adkaato soo hadal qaadkeedu.

Inaad qaranka Hogaaminkiisa qabatid ku iman mayso xoog & xajiimayn haykalka dawladnimada wax u dhimaysa. Waa inaad la timaado siyaasad bisayl hogaamineed wadata oo aad ku hantido rabitaanka shacabka somaliland. Tuduc ku jiray Maansadii Gurmad bal ku yar naso.

 

“Waxaad noo gashee horiyo

Gadaal waxaad maagan tahay

Adoon galin ceeb nin kale

Bal noo sheeg waa golee

Waxay dadku kaa guntaan” Gaariye

 

Axsaabta Qaranka waxa laga doonaya inay umadda ka iibiyaan barnaamij hufan oo ka duwan mid ka kale. Shacabku way ka Koreen durbaanada qabyaalada ee ku dhisan waa “Markayagii” iyo Balaayo ayaa dhici doonta hadii sida aan doonayo la yeeli waayo. Tuduc kale waatuu Abwaan Gaariye lahaa.

 

“Gagaa lagu dheelayaa

Shacbigu garsoor ka yahay

Waxaa guul sheegan kara

Ninkay ugartaan iyagu” ~ Gurmad, Abw. Gaariye

 

Waa sunaha nidaamka dimuqraadiyada, mar kasta oo uu yimaado tartan doorasho aragtida siyaasadeed ee bulshadu waxay la kala jirtaa axsaabta tartanku dhexyaalo oo mid kastaa isu arko inuu yahay kan qaranka gaadhsiin kara horumarka uu hiigsanayo. Axsaabta qaranka waxa laga rabaa tartan hufan oo cunfi iyo caadifad midna lahayn inay la horyimaadaan bulshada ay codka ka doonayaan bari ka maalin, idinkoo maanka ku haya danta guud ama inta laysku hayaa ay ka wayn tahay inta laga midaysan yahay. Tuduc kale waatuu macalin Gaariye lahaa:-

 

“Galool mudhay oo farcamay

Nudaha goonyaha u fiday

Haday kala gaar yihiin

Guntay ka midaysan yihiin”

Alle sida xaqa ah hayna waafajiyo, abaartana haynaga soo jabiyo Aamiin.

Wabilahi tawfiiq.

Qalinkii: Maxamed Gacayte.

Hargeysa, Somaliland