SHEEKADA MAANTA: Madaxweyne Muse Bihi Abdi Iyo Mudane Fidaar.

Madaxweynaha: Fidaar ii waran adeer

Mudane Fidaar: Madaxweyne waa la fiican yahay.

Madaxweynaha: Maalintii hore maxaad u soo raaci weyday Mooge? Miyaad cadhoonaysay kkkk

Mudane Fidaar: Xaasha! Waxaan sugayey inta nala dhaarinayo, dhanka kale waxaan islahaa Xaaji. Maxamuud Qaalib baa kaa cadhoon doona.

Madaxweynaha: Kkkk Waar Maxamuud Qaalib waa odaygayga ee Shaydaan baa na dhex cararaye, imaatinkaygana kugu ma qabsadeen. Reer Fidaar waxay ahaayeen reer qiima badan, Aabahaa na nin adag oo gob ah buu ahaa.

Mudane Fidaar: Annigu ba gobonimadii iyo adaygii waan ka raacay oo waanigaa Xisbiga Mucaaridka ka ah iska sharaxay, ee ka soo baxay.

Madaxweynaha: Waar nimankii Ilma Fidaar waxay ahaayeen Reer Xarshimeed, oo halgankiina ka qaybqaatay, adigu Xarshin ma aragtay?

Mudane Fidaar: Annigu Reer UK baan ahay.

Madaxweynaha: Maanigaan garan ! Waa sababta aan kuu fahmi waayey adiga iyo Sheekh Ku-cadeeya ba kkk

Mudane Fidaar: Madaxweyne waxaad fahantaa Dr. Maxamuud oo isku reer Djibouti 🇩🇯 ahaydeen, Af Faransiiskana aad ku sheekaysataan, ee anniga iyo Sheekhu Af Ingiriisi iyo Af Carabi ayaad nagu yara diiday kk

Madaxweynaha: Kkkk Waar Af Faransiiska kuma hadlo laakiin Digtoorka wanu isku fiicanahay; iiga waran Xildhibaankii aad isku-sidkanaydeen ee Sheekh Ku-cadeeye?

Mudane Fidaar: Wuu iska cibaadaystaa, inta badan wuxuu u dhexeeyaa Masaajidka, xarunta Xisbiga Waddani iyo gurigiisa.

Madaxweynaha: Oo Hudheeladan miyaanu iman sida siyaasiyiinta, oo aanu ka yara BOOLATIIGIN? Ileen waa waxan aan u waayey cid hadal-haysa ba.

Mudane Fidaar: Madaxweyne may ninkaasi nin sidaa u soc-socod badan maahee seddexdaa meelood uun buu u dhexeeyaa, waliba xildhibaanada Waddani markay is-dhaarsanayeen isagaa Kibaatka ku dhaariyey kkk

Madaxweynaha: Kkkk Waar ninkaa kitaabka masaajidka u daa ku dheh, kkkk salaan Madaxweyne iga gaadhsii Xildhibaanka.

Mudane Fidaar: Waayahay Madaxweyne, ee wax kale miyaad ii faraysaa Sheekha.

Madaxweynaha: May igu salaan, oo Maayirka cusub ma la shaqeeya

Mudane Fidaar: Haye Madaxweyne, ee adiguna nala shaqee oo waanu yara shakisanahaye, QAAXOOLOGY ma fahmaynee kkk

Madaxweynaha: Kkkk QAAXOOLOGY ga waad iska fahmi doontaa, oo SNM ba Xarshin waxaa u xarun ahayd gurigii Dhagcaleen Fidaar, Maayirkana halganka adeerkii AHN Maxamed Mooge ayaa ba ka bilaabay SSDF, waana sababtii 26K ugu coddeeyeen Mooge adiguna aad ku guulaysatay, markaa sidaasaad ku tababaran tihiin kkkk

Mudane Fidaar: Kkkk Madaxweyne 26K Mooge waxay ahayd DAREEM SHACAB, annagu aqoonyahano isbedel-doon ah baanu nahay.

Madaxweynaha: Adeer DAREENKA SHACABKA ee Maxamed Mooge ka weyni halkeed ku aragtay? Waar adeer i dhagayso “Inamadiinaa yaryari haddaad la yaaban tihiin 26K ee Cabdikariin yare u codeeyey, AHN Maxamed Mooge wuxuu lahaa jamaahiir ka badan 2.6M, oo isaga tirtirsigiisa iyo wacyigalintiisa halganka hubaysan ku galay. Heestii Tolaay Reer Hargeysow yaa lahaa?

Mudane Fidaar: Dee Madaxweyne haddaa “Reer Mooge oo dhan baa DAREEM SHACAB ah !” halgankan aanu galayno noogu ducee.

Madaxweynaha: Waan idiin ducaynayaa Adeer dhammaantiin.

Hadda igama gayside

Waxaad iga guraysaa

Sheeko bari la ii galay

Maansadii Beerwale; AHN Abwaan Gaarriye

Xuseen Badhaani

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com