“Sicir Bararka iyo Shirkadaha Digaaga…!” Ambassador Samia Muuse

Nin Argentiini ah ayaa tagay Super Market inoo ka soo iibsado wax u ku quraacdo. Wuxu soo qaaday kartoon Beed ah, markii o ninki Super Marketka lahaa waydiiyey qiimaha Kartoonka Beedka? Wuxu arkay in qiimaha kartoonka Beedka aad loo kurdhiyay! Wuxu weydiiyay sababta ninki Super Marketka lahaa ? Ninki Super Marketkuna wuxu ku jawaabay Shirkadi Digaaga ayaa kordhisay qiimaha Beedka……

Ninki si tartiib leh ayoo kartoonki Beedka ahaa meeshiisi ku celiyay isaga o leh Beedka waxyaabu kale aan ku badali karo waan hayaa markaa umaba baahini Beed dhanba……

Dhamaan dadweynihi Argentiin isla sida ninkaas ayay sameeyeen ayagoon wax booqa ama mudaharaadba ah samaynin…. Taasina waxay tusaale fiican u tahay aqoonta shacabkaasi u leeyahay … Waa shacab aan ogaleen inay sharkaduhu dhacaan… Laakin maxaa ka raacay ???

Maalinti ku xigtay shaqaalihi sharkadaha ayaa is idhi wax soo saarki maanta Super Marketyada u qaybiya … Waxa diiday kala badh ganacsadayaashi Super Marketyada in la soo dajiyo wax cusub maanta waayo kii shalayba cidi ma ibsanin?

Qaar kalena waxay dalbadeen in lagu badalo tii shalay ta maanta… Maxa dhacay kabacdi ?

Sharkadihi ayaa yidhi go’anka joojinta ganacsiga Beedka wuxu qaadan doona dhawr wiig kabacdi markaas ayay dadkuna iibsan doonaan… Laakin shacabki way ku adkaysteen go’aankoodi wiigag fara badan taas o dhaawac wayen ku keentay sharkadihi …. Khasaaro fara badan ayaa soo gaadhay sharkadihi Beedka waayo Degaagki ayaa wax soo saarkiisi batay kabacdi Beedki ayaa batay laakin cid iibsata aya la waayay.

Kabacdi Sharkadihi Digaaga ayaa shirar waaween qabatay markaasay go’aansadeen inay ku soo celiyaan Qiimihi hore ee kartoonka Beedka ah. Laakin waxay ku naxeen markay arkeen ino weli socdo go’aanka shacabku ee joojintii Beedka !

Arintaasi waxay ku reebtay dhamaan Sharkadihi Degaaga iyo masuuliintodiba yaab iyo fajac ! Kabacdi waxay mar kale ku baaqeen shir weyne deg deg ah in la qabtu taas o ay qodobadiisu tahay :

1- Raali galin rasmi ah kuna socota Shacabka reer Argentiin o mediyada laga baahiyo.

2- Qiimaha Kartoonka Beedka laga sii dhimo 1/4 qiimihiisi hore.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.netoo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com