“Somaliland Dhego Uma Laha Faro-gelin Dibadeed”

JSL Waxa 30 sanno in ka badan u baxayey ileyska Dawladnimo raasamaalkeeda aanay waxba ku lahayn dalal shisheeye. Taasina waa asbaabaha JSL uga badbaaday duufaanadda ka dhasha farogelinta dalalka Shisheeye marka ay ku yeeshaan.

Waxa taariikhda inoo gashay xataa markii dawladnimada Somaliland koraysay ee beerta dhulka laģu haýey, waxaynu ahay dal qabkiisu qaadan waayey in wadamo iyo Hay’addo shisheeye inñaga caawiyaan baahiyihii ugu darnaa xilligaas waxana Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal diiday inay Hay’addii UNISOM innaga saacido mushaharka ciidamada. Waxaanu si xeel dheer u yaqiinsanaa inay tahay “deeq ay daba taallo inay kuu yeedhiyaan arrimaha masiiriga ah” iyo inay ku dhexmarsadaan masaalixdooda siyaasadeed.”

Intii ka dambeysay waxa Dawladnimadeenna laga ilaaliyey inay gacmaha hoorsato Shisheeyaha danaha badan leh.

Haddaba, waxa looga baahan yahay Xisbiyada Siyaasadda inay wixii ay u arkaan danta dalka lagu dhammeeyo xayndaabka Somaliland, hase ahaatee aanay maangal ahayn inay caadaystaan inay dalal shisheeye u ashkato tagaan, taasi oo nuqsaan ku ah hankii iyo himiladii dalka ee ahayd farogelin la’aan inaynu isbixino.

Xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa toddobaadkii hore soo saaray qoraal wada jir ah oo u muuqday mid looga gol leeyahay in lagu xajiimeeyo dawladnimada Somaliland. Waxaanay dirayeen farriin ah in aanay Somaliland ku filnayn inay gudaheeda xaliso wixii khilaafaad ah ee la xidhiidha doorashooyinka.

Qoraalka Axsaabta waxa ku jiray qoddobo wakhtigoodii laga soo gudbay oo wakhtiga iyo waayuhu xaliyeen. Waxana ka mid ah inay iloobeen in la qabtay doorashaddii isku sidkanayd ee Wakiillada iyo deegaanka oo ahayd doorashadii isku fuuqsatay kuwii ka horreeyey oo dhan, marka laga hadlayo dhinacyafa farsamada iyo daahfurnaanta, taasi oo mucaaridku ku guulaystay Madaxweynuhuna uu si geesinimo iyo waddaniyad leh u haneeyey.

Waxa kaloo ay sheegeen in aragti siyaasa loo xidhay dad badan, taasina ma jirto in qofka wuxuu aaminsan yahay loo xidho, hase ahaatee muwaadin walba sharcigu wuu qabtaa haddii uu gef ka galo qof iyo qaranba.

Ugu dambeyn,waxa xisbiyadda mucaaridka ah ay tahay inay ku abshiraan in aanay meelmarayn farogelin dibadeed oo JSL liqi kartaa. Waase in aanay karaamada iska qaadin oo ay gartooda ku dedaalaan in lagu dhammeeyo xayndaabka Somaliland, lagana baaqsado afxumada oo wax ay kala fogayso mooyee aan faa’iido cidna u dhalayn.

Faallo Cumar M Faarax