Qaliinkii Lagu Sameeyey Madaxweyne Kuxigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Lagu Guuleystay


Turky(Hayaannews): Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo qaliin caafimaad loogu sameeyey maanta dalka Turkiga ayaa xaaladiisa Caafimaad wanaagsan tahay,kadib markii inan uu dhalay keli looga saaray.  

Inantan oo la yidhaahdo Dr. Hoodo Cabdiraxmaan ayaa xaladeeda cafimaad way wanaagsan tahay,

“Waxa guul ku dhammaaday qaliinkii Kidney transplant Hospital ee magaalada Istanbul ee dalka turkiga ee loo sameeyey madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. caafimaadkiisu aad buu u wanaagsan yahay isaga iyo gabadhiisa Drs Hoodo Cabdiraxmaan Aw cali oo uugu deeqday kelida aabaheed ILAAHAY baa mahadle ducadiina Alle waa inaga aqbalay,shacbiga Somaliland,iyo umadda islaamka-ba ,ducadiinu waa muhiim,waxaanan ilaahay uga baryaynaa,in mudane Cabdiraxman Aw Cali faarax, iyo inantiisa Drs Hooda Abdirahman Aw cali faarax,uu alle u sii xoojiyo, caafimaadkooda iyo cimrigooda-ba,Aamiin Yaa Allaah.”

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Laba Tolle)

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland