Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Qirtay Inay Leexsaday Qaar Ka Mid Ah Raashinkii Ciidanka DANAB Ee Soomaaliya

Muqdisho(Hayaannews): Xukuumada Soomaaliya ayaa qiratey in musuqmaasuq ka dhacey Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya oo  leexsatey raashin ciidanka Danab ay siin jirtey dowladda Mareykanku. Dad nmbadan ayaa u arkey  wax laga xishoodo in warkaan oo kale ay Wasaaradda gaashaandhigu qoraan, waana mid dowladda  sharaf dhac ku ah,  kuwa falkaan geystay ee Soomaali oo dhan ceebeeyay xarig kaliya yaan loogu simine, inta Maxkamadda Ciidamada la horkeeno hadeey ku cadaato,,  darajada halaga xayuubiyo ciidankana halaga eryo xabsi dheerna oo diro

Waxa kale oo dadkaasi xuseen in horey looga aamusay kuwa xoolaha shacabka xaday  oo dabaqyada ka dhistay Muqdisho,Nairobi ilaa Istanbul, oo Qofwalba isagoo og uu ka xishooday inuu yiraahdo tuug baad tahay, ma aha wax laga aamusi karo ama laga xishoon karo, kuwa xadaya raashinka iyo shidaalka Ciidamada duurka ku jira ee Argagixisada kula dagaalamaya loo soo dawarsaday, waana in ay arinkaa Madaxweynaha iyo xukuumadduba meel adag ka istaagaan, haddii kale, waxaan lumin doonaa kalsoonida dalalka aan u dawarsano ciidamadeena, Inkastoo aysan hadaba weyso noo dhowrneyn, marba hadii uu Mareykanku madaxdeena Ciidamada hortooda ka yiri, waxaad xadeen Raashinkii iyo shidaalkii aan Ciidamadiina ku taakuleynayay.