SOMALILAND: Wasaarada Waxbarashada Oo Waajibaad Muhiim Ah Fartay Goobaha Waxbarashada

“waa in goob kasta oo waxbarasho yeellato meel ay mari karaan dadka baahiyaha gaarka ah qabaa iyo Musqulo u gaar ah”Wasiir Toorno

Hargeysa (#Hayaannews)- Masuuliyiinta Wasaaradda horumarinya Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii heshiiska lagu gaadhay fulinta habraacyada lagu maamulayo goobaha waxbarashada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, taasoo lagu dabaqayo shuruucda iyo Siyaasadda Waxbarashada dalka.

Masuuliyiinta, ayaa sidoo kale beyaamiyey in fulinta habraacyadan lagu ladho tilmaamaha dhinaca caafimaadka ee xaaladda cudurka COVID19, si loo ilaaliyo bad-qabka caafimaadka Ardayda waxbarashada ku jira.

Sidaasina waxa ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay warbaahinta ugu qabteen Xafiiskooda iyo go’aamo qoraal oo ay maalintii shalay soo saareen masuuliyiintu.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Waxbarashada iyo Sayniska Maxamed Axmed Diiriye (Toorno), ayaa bahda waxbarashada ee heer Qaran, oo u kala baxa dugsiyada dawladdu tooska u maamusho iyo goobaha gaarka loo leeyahay ku wargeliyey inuu bilaabantay wakhtigii laysku waafaqay in la dhaqan-geliyo habraacyada loo dejiyey la-tacaalida cudurka COVID19 iyo nidaamka xarumaha waxbarashada.

Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyey isagoo dib u xusuusiyey daneeyayaasha waxbarashada qodobada Heshiiska lagu gaadhay, waxaanu sidoo kale faray in ay dhaqan-geliyaan go’aamadda golaha Wasiirradu ka soo saareen ilaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Qodobada fulintoodu shalay bilaabantay ayaa waxa kamida;- “Arday waliba in uu helo marka uu fasalka fadhiyo dulullaati madhan oo Hal Mitir oo laba jibaaran ah, taasoo micnaheedu yahay haddii uu Fasalku yahay 45 Mitir oo laba jibaaran, waxa fadhiisan kara 45 Arday ugu badnaan.

Waxa kale oo kamida in dhamaan Ardayda, Macalimiinta iyo Shaqaalaha goobaha Waxbarashadu xidhaan Af-saab”

Wasiirka oo hadalka sii wata ayaa tilmaamay in talaabo laga qaadi doono Macalinka, maamulka iyo Ardayda ka dhego-daygta fulinta awaamiirta iyo habraacyada Wasaaradda, waxaanu sidoo kale farriin waano ah u jeediyey Waalidka dhalay Ardayda.

“Maamulaha loogu soo galo, amma Macalinka wax dhigaya ee loogu yimaado isagoo xiisad ugu jira Arday ka badan 45, amma iyadoon Ardaydu Afsaab xidhnayn amma wax kaleba lagu qabto talaabo ayaa laga qaadayaa.

Ardayga sameeya wax sharciga ka hor-imanaya isaguna sharciguu jebiyey oo waa lala xisaabtamayaa, Waalidkuna hala socdaan Ubadkooda waxbarashooda iyo xaaladdahooda oo dhan” ayuu yidhi.

Maxamed Axmed Toorno, waxa kale oo uu ku amray dhamaan xarumaha waxbarashada ee kala duwan in ay ku dhaqmaan go’aamada ay Golaha Wasiirradu ka soo saareen ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee ubadka baahiyaha gaarka ah leh, kuwaasoo uu iclaamiyey nooca xuquuqda loogu diyaarinayo goobaha waxbarashada.

Waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi “Waxa kale oo aan Dugsiyada u sheegayaan in awaamiirtii Golaha Wasiirradu soo saareen ay kamid tahaywaa in goob kasta oo waxbarasho yeellato meel ay mari karaan dadka baahiyaha gaarka ah qabaa. sanad-dugsiyeed kasta goobaha waxbarashada gaarka loo leeyahay iyo kuwa guudba waxa loo sheegayaa in ay waajib tahay in laga helo meel ay carruurta waxbarashada gaarka ah qabtaa maraan iyo Musqulo u gaar ah oo ay isticmaalaan”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ka reeban goobaha waxbarashada kala duwan iyo cida fulinta habraacyada sharcigu waajib-yeellay, isagoo si gaar ah uga hadlay qaraarka wasaaraddu ka soo saartay nidaamka waxbarashada ee xilligan cudurka Covid19 soo laba kacleeyey.

“Waxa reeban in kulamada aan daruuriga ahayn lagu qabto Dugsiyda waxbarashada, inta uu jiro xanuunka Covid19″ayuu yidhi, isagoo intaasi raaciyey “Dhamaan Guddoomiyeyaasha waxbarashada gobolada, Maamuleyaasha iyo cid kasta oo ay khusayso waxaan farayaa in la ilaaliyo badqabka Ardayda iyo xarumaha Waxbarashada”.

Go’aanka Wasaaraddu soo saartay oo nuqul kamida soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayaa isagoo qodobaysan u dhignaa sidan;-

  1. In la fuliyo dhamaan habraacyada Xanuunka COVID-19 ee ay hore usoo soo saartay Guddida heer Qaran ee ka hortaga Covid-19.
  2. Si kala fogaanshaha loo hirgaliyo, fasalka cabbirkiisu yahay 8M X 6M waxaa loo ogolyahay in ay wax ku dhigtaan ugu badnaan 45 arday oo kaliya.
  3. Hawl-wadeenada dugsiyada iyo Ardayda ku jirta fasalada 5aad iyo wixii ka sareeya ilaa dugsiyada Sare waa in ay AF-SAAB xidhaan wakhtiyada goobaha waxbarashada lagu jiro.
  4. Sida ku cad Xeerka Waxbarshada Qaranka Lr.77/2018, Dugsiyada waxa la dhiganayaa 39 wiig ama todobaad sanadkiiba.
  5. Sida ku cad siyaasadda waxbarshada Qaranka, todobaadkii waxaa la dhiganyaa 5 cisho oo ah Sabti ilaa Arbaca, waxaana la qaadanayaa 30 xiisadood oo maalin kasta la dhiganayo 6 xiisadood oo midiiba tahay 45 daqiiqo, marka laga reebo ardayda dugsiyada Hoose iyo ardayda ku jirta dugsiyada Qalin-ababka (Barbaarinta).
  6. Saacadaha ardaydu wax dhiganayso gelinka hore waa 7:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo, gelinka dembana waxa ay waxbarashadu bilaabmaysaa 12:15 duhurnimo illaa 5:15 galabnimo.
  7. Ardayda dugsiyada ku jirta waa in la siiyaaa fursad ay ku nususaace tagaan, illaa inta la dhammaystirayo hab-raaca nususaacaha oo wadatashigiisu socdo.
  8. Waxa Reeban qodobada hoos ku xusan:-

8.1. Kulamada lagama maarmaanka ah sida kulamada waalidka, kulamada shaqaalaha, kulamada ardayda, Ciyaaraha iwm inta lagu jiro xaalada caabuqa COVID-19

8.2. In ardayda wax loogu dhigo maalin-dhaaf way reeban tahay

8.3. In ardayda laga qaado lacag aan ahayn fiiga dugsiga iyo in ardayda lagu qasbo in ay iibsadaan buug gaar ah.

8.4. In gelinka hore ardayda dugsiga laba jeer loo kala qaybiyo. Sidoo kale waxa reeban in ardayda gelinka demba laba jeer loo kala qaybiyo.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay sheegeen in daba-gal lagu samayn doono sida ay dugsiyada waxbarashada ee kala duwani u dhaqan-geliyeen habraacyadan loo dejiyey, taasoo lagula xisaabtamayo, cidii ka dhego-adaygtaana sharciga waajihi doonto.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: #Hayaannewssoma@gmail.com