Hay’adda Direct Relief Ee Mareykanka Oo Daawooyin U Soo Dirtey Somaliland Iyo Casuumad Loo Fidiyey Dr. Edna Aden

Jaamacadda New England oo ku taala magaalada Biddeford ee gobolka Maine ayaa casuumad- sharafeed u fidisay Dr.Edna Aden Ismaaciil

Dr.Edna Aden waxa ay Isniintii,April 22, uga warantay xaaladaha caafimaad ee Jamhuuriyadda Somaliland 12,245 arday oo dhigta jaamacadda New England.

Dhinaca kale, hay’adda Direct Relief oo xaruntooda ay tahay Santa Barbara, California ayaa 10 wadan oo ay ku jirto Somaliland u dirtay dawooyin muhiim ah oo qaarkood dadka Somaliland ay qaali ku tahay iibkooda,kuwo badanna aan laga helin.

Hay’adda USAID ayaa qaaday dawooyinka deeqda ah ee ka yimid Direct Relief,waxana dawooyinkan oo markab ku raran uu ku soo xidhan doonaa Berbera May 15.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland