Ambassador Barkhad Kaariye Oo Sharxaya Hawlaha Ay Safaaradda Somaliland Ee Itoobiya U Qabato Bulshada

Hargeysa-(Hayaannews) Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya Oo Ka Waramay Hawlaha Safaaradda Itoobiya U Qabato Bulshada Somaliland Ee Dalkaas U Safaraysa Iyo Jaaliyadda Degan Itoobiya

Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalkaasi Itoobiy Md Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay in Safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiyaha tahay halbowlaha fududaysa hawlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dabooshana baahiyaha bulshada ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka,Ganacsiga iyo dalxiiska ee dalkaasi u tagaya.

“Waxanu ka caawinaa socotada oo saddex qaybood ah, sida dadka hakadka (Transit) ku galaya Itoobiya, kuwa u socda dalka Itoobiya, waxaanu u fidinaa adeegyada dawladi u fidiso dadkeeda, waxaananu aaminsan” Ayuu yidhi Ambassador Kaariye oo u warramayey Warbaahinta Dawladda

Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in sannadkan tahay 25 guuraddii mudadii uu furnaa xafiiska Somaliland ee dalka Itoobiya, taasina tahay in muddo dheer laga shaqaynayey sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in safaaraddu si nabad qab ah loo soo celiyey 435 Arday kuwaasi oo si nabad qab ah loogu soo celiyey deegaankoodii taasi oo ah
“ Waxaanu xusayno ee qaranka guulaha u ah ee aanu ku malayno Madaxwaynaha JSL, Wasaaradda Arrimaha dibada oo aanu farac ka mid ah nahay,in guud ahaan waxa ka dhacay mandaqada iyo cudurka Karona Fayras in 435 Arday si nabad qab ah loo soo badbaadiyo oo dalka lagu soo celiyo, taasi oo aanu dawlada Itoobiya uga maahadnaqayno in ardaydaasi degenaashiyo ku helaan bilaash”

Safiir Barkhad, waxa uu sheegay in sannadkan 2021 la xoojiyey deeqaha waxbarasho oo la helay 450 Arday oo dalka Itoobiya ugu deeqday Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo qaranka mihiim wayn u ah bulshaduna si wayn uga faa’idaysan doonaan.

Dhinaca kale, safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu sheegay in si shaqadu u wanaagsanaato la kordhiyey saacadihii shaqada taasi oo bulshada u sahlaysa inay deg deg u helaan baahiyihii safaarada ee bulshada.

“ Dadka reer Somaliland sida loola shaqeeyo waxay qayb ka yihiin xidhiidhka Somaliland iyo dalka Itoobiya, dad badan ayaa xaggaa degen waxaanay qayb ka yihiin oo u baahan adeegyada safaarad laga helayo, waxanu samaynay kaadhka aqoonsiga Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalka Itoobiya, waxaanu tarayaa in qofkaasi helo wax kasta oo uu u baahan yahay oo aqoonsi wuxuu qaban lahaa uu qabto. Waxaanu fahansanahay in arrimaha amnigu yihiin waxyaabaha xoogga la saaro oo sugnaashaha amniguna qayb ka yahay”

Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu farriin u diray dadka u tagaya dalka Itoobiya Caafimaadka isagoo u soo jeediyey in qofkasta oo dalkaasi caafimaad u imanaya uu qaato baadhistii ay hore u sameeyeen dhakhaatiirta uu maray ee dalka gudihiisa, iyadoo turjumaanada dadku kaxaysanayaan lala xisaabtami doono oo safaaraddu dabagali doonto.

“Arrinta caafimaadku waxay keentay inaanay helin adeegyadii ay u baahnaayeen, mararka qaar ayaa wakhtigu kaga lumaa iyagoon helin kay u baahnayeen. Waxa sharaf noo ah oo uga mahadnaqanayaa dhakhaatiirta Somaliland ee ku nool dalka Itoobiya ama wax ka barta in dadkaasi la caawin karo. Qofka Itoobiya soo gala in lala kulmo oo loo tilmaamo dhakhtarka ugu haboon”

Gabagabadii Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu bulshada u soo jeediyey in mawaadiniinta reer Somaliland inay xog raadiyaan wakhtiga aanay tagin oo safaaradda la xidhiidhaan. Sidoo kale, mar walba inaynu dhawrno shuruucda labada dal.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com