“Caalamka Oo Dhan Waxay Leeyihiin Way Is Dagaali Doonaan, Laakiin Waxaan Tusi-doonnaa si…..”Ra’iisal Wasaare Abiy

Addis-ababa(Hayaannews): Itoobiya waxay u muujin doontaa dunida shakisan inay si guul leh u qaban karto doorasho nabdoon toddobaadka soo socda, waxaana Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed uu u sheegay isu soo bax ay ka soo qayb galeen tobanaan kun oo taageerayaashiisa ah xilli lagu guda jiray ololihiisii ugu horreeyay ee doroashada.

Codbixinta 21-ka June waa markii ugu horreysay ee Abiy oo 44-jir ah uu codbixiyeyaasha kala hortago sanduuqa codbixinta ee waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray toddobaadkan in doorashadu “ay noqonayso isku daygii ugu horreeyay ee qaran ee doorasho xor iyo xalaal ah”.

“Caalamka oo dhan waxay leeyihiin way is dagaali doonaan, laakiin waxaan tusidoonnaa si ka duwan,” ayuu Abiy u sheegay taageerayaashiisa oo isugu soo baxay garoon buux dhaafey oo ku yaalla galbeedka magaalada Jimma.

In kabadan shan meelood oo kamid ah degaannada doorashada baarlamaanniga ayaysan ka dhici doonin doorasho, sababo la xiriira dhibaatooyin jira oo ay ka mid yihiin dagaallada ka socda waqooyiga gobolka Tigray.

Reuters