“Cabdiraxmaan-CIRRO iyo Raggiisa 30-sanno Laga Hor Taagnaan Maayo, ARAB La’aanna Shaqayn Mayso…” Cabdilaahi-CUKUSE.

“ARAB la’aan shaqayn maysee ARABOOW soo tashada,…..”Cabdilaahi-CUKUSE.

Hargeysa(Hayaannews): Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay haddii uu shalay ammaanay Madaxweyne Muuse Cabdi inuu maantana ammaanayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaah (Cabdiraxmaan-CIRO).

Cabdilaahi Cukuse waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay Casuumad qado-sharafa oo Xisbiga WADDANI uu ku maamusay Ergadii Beelaha Arab ee ka qeybgashay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga WADDANI.

“Cabdiraxmaan iyo Raggiisa Macquul Maaha in Soddon Sanadood Taladda Dalkan Laga Horjoogo, Caqlibaynu Leenahaye”  Cabdilaahi-CUKUSE

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“ARAB la’aan shaqayn maysee ARABOOW soo tashada,30 sannadood Cabdiraxmaan Cirro iyo ragiisa laga hor-joogi maayo dalka, caqli-baa loo baahan yahee Somaliland waa qori isku-dhiib oo waa maalintoodii,”. Cabdilaahi-CUKUSE

“Saxaafadu waxay baratay wax yar oo la yidhaa shalay iyo maanta, waar shalay iyo maanta ayaaba kala duwan ee afar sanadood ka hor hadii aan Muuse amaanayay, maantana Cabdiraxmaan Cirro ayaan amaanayaa.” Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com