|
|||||
HAYAANNEWS.NET
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Guddoomiyihii Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland
October 17, 2020 - Written by adminHargeysa(Hayaannews): Ciidamada Booliska ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Maxamed-Aamiin Cabdi Cilmi Dixood, kadib markii ay isku dhaceen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mirre. Sidaa waxa shabakada wararka ee Hayaannews u xaqiijiyay mid ka mida saaxibadii Mo-Aamiin goob jog ahaa. Ilaa imika lama garanayo sababta keentay xadhiga Gudoomiyaha iyo sababta ka danbeysay, isla markaana kamuu hadal Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaruhu. Hasayeeshe Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya inay Wasiirka iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda cagtu ay isku maan-dhaafeen xilka Xidhiidhka Xiyaaraha oo ka madax-banaan Wasaarada, balse uu wasiirku doonayo inuu afduubo oo uu baabiiyo xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland. Xadhiga Gudoomiyaha xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland Maxamed Aamiin ayaa ku soo beegmay xili loo diyaar-garoobayo qabsoomida tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo la filayo inay qabsoomaan bishan October 2020. ![]() Mustafe-Janaale Hayaannews, Office Hargeysa, Somaliland Email: Hayaannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|