Dallada SONSAF Oo Bilowday Tababarida Kor-joogayaasha Maxaliga Ah Iyo Naafadii Ugu Badnayd Oo Fursad Ka Heshay.

Waxay kor-joogayaasha maxaliga ahi wax weyn ka tari doonaan kobcinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyaadeed ee ka hirgalay Somaliland.

Hargeysa(#Hayaannews): Dallada ay ku bahoobeen Ururada aan dawliga aheyn ee SONSAF ayaa maanta tababar u qabatay sideed boqol oo qof (800) oo ah goob-joogayaasha maxaliga ah ee doorashooyinka isku sidkan Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31 May 2021.

Tababarkan oo ka bilaabmay Gobolada dalka Somaliland oodhan, isla markaana socon doona muddo laba maal-mood ah,ayaa waxa goob-joogayaasha lagu tababari doona Xeerarka iyo hannaanka doorashooyinka Somaliland,Waajibaadka iyo shaqada kor-joogayaasha maxaliga ah.

Tababarkan ayaa waxa bixinaya 48-tababare oo iyagana ay dhawaan tababartay Dallada SONSAF.

“Tababarkan ayaa goob-joogayaasha Maxaliga ah lagu tababari doonaa Xeerarka iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin kor-joogayaasha maxaliga ahi doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka. Waxaanay Sideedaa boqol (800) ee korjoogayaasha maxaliga ahi ka hawl-geli doonaan maalinta doorashada sideed boqol oo ka mida goobaha doorashooyinku ka qabsoomayaan”Sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Jaamac Ibraahim Cawad oo ka mid ahaa khubaradii bixinayay tababarka.

Mar uu ka Hadlayay Jaamac Ibraahim Cawad waxa tababarkan lagu tababarayo kor-joogayasha maxaliga ah, waxa uu yidhi “Maalinta kowaad ee tababarka waxa lagu baranayay Xeerarka iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland, maalinta labaad ee beritana (Sabti) waxa lagu baran doona uruurinta Xogta doorashooyinka, iyada oo la isticmaalayo agabka loo yaqaano Office Data Kit (ODK) oo ah aalad ay xogaha doorashooyinka ku soo gudbin doonaan kor-joogayaasha maxaliga ahi maalinta doorashada.Kor-joogayaasha maxaliga ahi waxay ka kala yimaadeen Ururada bulshada rayidka ah ee xubnaha ka ah Dallada SONSAF ee ay ka mid yihiin, NAGAAD, SONYO, SOLJA, SNDF, iyo qaar kale oo baddan….”.Ayuu yidhi.

Tababarkan ayaa waxa ka taageeraya Dallada SONSAF midowga Yurub iyo hay’adaha kale ee ay wada shaqeynta la leeyihiin.

Waa markii ugu horeysay ee tiradii ugu badnayd ee dad naafa ahi ka qeybgalaan hawlaha kor-joogayaasha maxaliga ah ee ay SONSAF hormuudka ka tahay.

Waxaanay kor-joogayaasha maxaliga ahi wax weyn ka tari doonaan kobcinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyaadeed ee Somaliland.

Maaha Markii ugu horeysay ee ay Dallada SONSAF qabato hawlo la xidhiidha hannaanka qabsoomida doorashooyinka, ee waxay soo wadeen tan iyo markii ay Somaliland ka hir-galeen nidaamka Xisbiyada Baddan ee Doorashooyinku.

Waxa kale oo la filayaa inay Dallada SONSAF hawl-geliso Kormeerayaal maxaliya oo isugu jira heer  qaran iyo heer gobol, kuwaas oo kor-meeri doona sida habsimada ah ee ay doorashadu u socoto maalinta Coddeynta 31 MAY. 2021.

Tiradda goobaha codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada Iyo Deegaanka ayuu sheegay inay yihiin 2,709 goobood,iyada oo tiradda murashaxiintuna ay tahay 798 murashax,iyada oo 552 murashax ay u tartami doonaan Goleyaasha Degaanka dalka,halka 246 murashaxna ay u tartami doonaan Golaha Wakiiladda Somaliland.

Dhinaca Kale, waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qul qulaaya goob joogeyaasha caalamiga ah ee ka qayb gelaaya doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha May 31-keeda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com