“Dambiyo Dagaal Ayuu Ruushku Ka Geystay Ukraine” Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Antony Blinken

Washington(Hayaannews): Mareykanka ayaa sheegey in xubno ka tirsan ciidamada Ruushka ay dambiyo dagaal ka geysteen dalka Ukraine.

Sida uu sheegey xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken Arbacadii.

Blinken wuxuu intaa ku daray in go’aan gaarista Washington ay ku saleysan tahay “qiimeyn taxaddar leh” oo lagu sameeyay xogta laga heli karo dadweynaha iyo kuwa sirdoonka.

Waxa uu sheegay inay jireen warbixinno badan oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in weerarro aan loo meel dayin oo si ula kac ah loogu bartilmaameedsado dadka rayidka ah, iyo waliba tacadiyo kale oo ay ciidamada Ruushka ka gaysteen dalka Ukraine, isagoo tilmaamay weerarro ka dhacay magaalada go’doonsan ee Mariupol.

Blinken war qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono dabagalka warbixinada dambiyada dagaalka uuna la wadaagi doono xogta uu ururiyo xulafada iyo hay’adaha caalamiga ah. Maxkamadda sharciga ayaa ugu dambeyntii mas’uul ka noqon doonta go’aaminta eedda dambi kasta oo dhaca , ayuu yiri Blinken.

Ruushka ayaa beeniyay inuu beegsaday dad rayid ah.