Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Ciidamo U Dirtay Gobolka Tigreyga

Jigjiga (Hayaannews)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta magaalada Dhagaxle ku sagootiyay ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska gaarka ah ee Liyuu Booliska.

Munaasibad loo qabtay anba-bixinta Ciidamada Dowlad deegaanka laga diray, waxa goob-joog ka ahaa madax ka tirsan Xisbiga Barwaaqo, Masuuliyiinta dowladda iyo madax-dhaqameed.

Ciidamada ayaa oo lagu wareejiyey Milatariga Federaalka, ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray oo ay ka jirto colaad u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Jabhadda TPLF.

Ciidamada laga diray Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa u muuqda inuu jawaab u tahay baaq uu dhawaan Dowlad deegaannada dalkaas u diray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo codsaday in ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.

Geesta kale, Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Beddel Muxumed, ayaa waraysi lala yeeshay shalay ku sheegay in ciidamada deegaanku ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacaan midnimada qaranimada Itoobiya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com