Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Si Cadho leh Uga jawaabtay Eedayn Uga Timi Somaliland

Jigjiga(Hayaannews); – Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, ayaa cadho leh uga jawaabay eedaymo Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jeediyey in xubno ka mid ah ciidankoodu ka mid yihiin xoogagga ka dagaallamaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Qoraal ka soo baxay maamulka Jigjiga waxa uu u qornaa sidan:

“Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiirrada ee naamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidammo ka tirsan Dawlad-degaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaadda ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Somaliland in aanay jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaadda Laascaanood, waxaanan cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-darrada ah ee dhankooda ka yimi.

Inkasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayey masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo la xidhiidha isla arintan. Waxa muuqata in maamulka Somaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibadda ee la xidhiidha xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.

Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Somaliland inay ka waantoobaan hadallada iyo ficillada kala fogeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya galabta.