Dawlada Somaliland Oo Caalamka U Dirtay Qaylo-dhaan Lagu Badbaadinaayo Nolosha Dadka Ku Barokacay SOOL

“Barakacayaashu Waxay u baahan yihiin sahay naf-badbaadin ah oo degdeg ah, oo ay ku jiraan cunto, daawo iyo biyo,”. Md Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii gurmad naf badbaadin ah loo gaadhsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka ka dhacay Laascaanood.

Baaqa Md. Saylici soo saaray laguna socodsiiyey Beesha Caalamka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Kuwa caalamiga ah, iyo la-hawlgaleyaasha Arrimaha bani’aadamnimada, ayaa lagu booriyay inay ka soo jawaabaan xaalad bini’aadantinimo oo ka taagan magaalada Laascaanood, Waxaanu bayaankaasi u qornaa sidan:-

“Gobolka Sool waxaa saameeyay abaarta ba’an ee ka jirta gobolka, waxaana colaadaasi ay sii kordhisay baylahda dadka ugu badan ee ay abaartu saameysay oo isugu jira haween, carruur iyo dad waayeel ah.

xaaladda bini’aadantinimo ayaa ah mid khusaysa, dadkii barakacayna waxay u guureen magaalooyinka, tuulooyinka iyo gobollada u dhow. Dadka barakacayaasha ah ayaan haysanin cunto, biyo nadiif ah, hoy iwm, waxana ka sii daraysa tabaalada xaaladda abaareed. Qiimayn dhawaan ay samaysay Hay’adda Qaxoontiga Qaranka, ayaa lagu sheegay in 24,566 qoys uu saameeyay barakacu, waxaanay u guureen 66 goobood oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Qiimayntu waxay muujinaysaa in bulshooyinka ay saameeyay barokacu ay u baahan yihiin sahay naf-badbaadin ah oo degdeg ah, oo ay ku jiraan cunto, daawo, biyo, iwm. Iyadoo Xukuumadda Somaliland ay wali ku baaqayso in colaadda la qaboojiyo, isla markaana wada hadal nabadeed lagu xaliyo xiisadaha taagan, ayaa haddana waxa ay ballan-qaadaysaa ilaalinta dadka rayidka ah iyo in gargaar bini’aadantinimo oo aan laga hor istaagin la gaadhsiiyo dhammaan dadka ku dhibaataysan Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran.

Xukuumadda Somaliland ayaa hoosta ka xariiqday in colaaddu ay inta badan ku kooban tahay degmadaLaascaanood. Dhammaan degmooyinka kale ee gobolka Sool ayaa nabad ah oo ay si buuxda gacanta ugu Hayaan maamulka Somaliland. Taas macnaheedu waxa weeye Somaliland waxay bixin kartaa oo bixin kartaa jawaabta bini’aadantinimo si loo gaadhsiiyo dadka ay sida aadka ah u saamaysay iyada oo loo marayo laamaha dawladeed ee ka jira deegaannada gobolka Sool.

Hadda, dawladda Somaliland, hay’adaha gaarka loo leeyahay, dadweynaha, NGO-yada waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa gaadhsiiya sahay naf-badbaadin ah oo ay baahi weyn u qabeen dadka dhibaataysan, iyadoo ay Qaramada Midoobay ka qayb-qaadanayso hawlaha bini’aadantinimo.

Dawladda Somaliland waxay ku nuuxnuuxsanaysaa sida ay uga go’aan tahay fududaynta gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn ee la gaadhsiinayo bulshooyinka ay dhibaatadu saamaysay iyo la shaqaynta dhammaan bah-wadaagta bini’aadantinimo si loo gaadhsiiyo gurmad bini’aadantinimo.

In kasta oo ay dawladda Somaliland ku hawlan tahay sidii gargaar naf-badbaadin ah oo loo baahnaa u gaadhsiin lahayd dadka tabaalaysan, waxaanu beesha caalamka iyo deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha samafalka ka codsanaynaa inay nagala qayb-qaataan gurmadkan degdegga ah ee lagu badbaadinayo, laguna ilaalinayo nolosha dadka jilicsan ee degmada Laascaanood. Waxaan hubin karnaa inay helaan kaalmada lagama maarmaanka ah si ay uga badbaadaan dhibaatadan.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com