Diblomaasi J. Peter Pham oo Maraykanka U soo Bandhigay Farqiga U Dhaxeeya Aan Somaliland iyo Soomaaliya

Ergaygii-hore-dawladda-Maraykanka-u-qaabilsanaa-Gobolka-Saaxil-Ambassador-J.-Peter-Pham-Hayaannews

Hargeysa (Hayaannews)- Ergaygii hore dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Saaxil Ambassador J. Peter Pham, ayaa dawladda Maraykanka ku canaantay in aanay Somaliland siin mudnaantii ay lahayd halka ay kharash badan ku bixiso dawladda Somalia ee taagta daran.

Qoraalka Ambassadoorka oo lagu daabacay degelka The NationalInterest.com ee dalka Maraykanka ayaa u dhignaa sidan:”Siyaasadda dhabta ahi waxa ay ku qotontaa xaqiiqda. Somaliland waxa ay ahayd Maxmiyad Ingiriis oo madax bannaani qaadatay June 26 1960 isla markaana aqoonsi ka heshay in ka badan 30 dal oo uu ku jiro dhambaal Hambalyo ah oo ka yimid xoghayihii arrimaha dibedda ee Maraykanka ee xilligaa Christian Herter. Shan cisho kadib waxa xornimo qaadatay Soomaaliyadii uu gumaysan jiray Talyaanigu, waxaanay labadii dal ee cusbaa isku dayeen inay sameeyaan midow aan la mahadin oo markii danbena dhiig ku daatay.

Xataa guddiga midowga Afrika ayaa laba jeer oo kala duwan qiray in midowga la sheego ee Somaliland iyo Soomaaliya aanu waligii ansax noqon isla markaana uu khalad badan ka muuqday markii la tijaabiyay intii u dhexaysay 1960 iyo 1990, tasoo ka dhigaysa aqoonsi raadinta Somaliland mid xaqiiqda ku fadhiga, taariikh ahaanna iyada u gaar ah.

Tan iyo intii labada dhinac kala baxeen in ka badan 30 sanno ka hor, labada dal waxa ay kala qaadeen waddooyin kala duwan. Somaliland waxa ay si weyn ugu guulaysatay inay dhulkeeda ka xaqiijiso amni iyo nabadgalyo iyada oo geesta kale cagaha u taagtay dawlad ku dhisan doorashooyin qof iyo cod ah. Taa marka laga soo tago madaxweynaha Somaliland ee hadda xilka haya waxa lagaga guulaystay doorashooyinkii u dambeeyay ee Baarlamaanka iyada oo xisbiyada Mucaaridku haystaan kuraasta inta badan Baarlamaanka, arrintaasoo aan ka dhicin dalalka gobolka. Soomaaliya geesta kale, waxa ay hoy u tahay argagixiso iyo budhcadbadeed.

Dawlad ku sheegta halkaa ka dhisanina waxa si fiican loogu qeexi karaa uun mid dibedda laga magacaabay oo cidii magcawday ku shaqaysato.

Marka arrimhaasoo dhan la eego, ma jirto sabab kaliya oo xaqiiqada ku dhisan oo dadka reer Somaliland oo tiradoodu gaadhayso 5.7 milyan oo badankoodu dhashay kadib markii somaliland la soo noqotay xornimadeeda, waligoodna aanay ku hoos noolaan maamul Soomaaliya ka taliso, ay ugu boholyoobi karaan midow danbe.

Sharcinnimada dawladi leedahay waxa la socda waajibaad, taasoo ay ka mid tahay inay dhulka ay sheeganayso si buuxda gacanta ugu wada hayso. Dawladda muqdisho waxa muuqata in aanay xataa kala badh dhulkeeda gacana ku hayn.

Arrintaa waxa si fiican hoosta uga xarriiqay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Berhanu Jula, waraysi uu dhawaan siiyay wargeysa Addis Standard, isaga oo su’aal galiyay sida ay dawladda Soomaaliya u sii jiri karto haddii ay ciidamada Itoobiya halkaasi isaga baxaan.

Dhinaca kale marka la eego illaa xadka rajiimka Muqdisho ciidamadiisa ay is dhex galeen argagixisada iyo xagjirka kale ayaa u baahan si gaar ah loola macaamilo. Golaha wasiirrada Somalia waxa ku jira Mukhtaar Rooboow oo mar ahaa ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, isaga oo ka tagay markii lagaga awood batay ururka gudihiisa, balse aan wali meelna kaga tanaasulin afkaartiisii xagjirka ahayd, iyada oo madixiisa hore loo dul dhigay 5 milyan oo Dollar.

Weerakii toddobaadkii hore dhammaadkiisii Al-Shabaab ku qaadday Huteelka SYL ee aadka loo ilaaliyo isla markaana kaabiga ku haya madxtooyada, ayaa mar kale dhalinaya su’aalo la xidhiidha heerka uu gaaadhsiisan yahay is-dhexgalka laamaha amniga iyo Al-Shabaab.

Marka laga tago karti darrada dawladda Soomaaliya. Waxa jirta sabab weyn oo ay tahay in looga walaaco xulafo diblomaasiyadeed oo Maraykanku la yeesho taliska Muqdisho. Sannadkii 2022, wakiilka Soomaaliya ee qaramada midoobay waxa uu u codeeyay qaraarkii golaha loo dhan yahay ee qaramad midoobay ee lagu canbaaraynayay dagaalka uu Ruushku ku qaaady Ukrain. Hal sano kadib wasiirkii arrimaha dibedda ee xilligaa Abshir Cumar Jaamac ayaa safar ku tagay dalka Ruushka isaga oo la soo saxiixday heshiisyo dhowr ah oo xoojinaya iskashiga laba geesooka ah ee Ruushka wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka Segie Lavrov. Lavrov ayaa u ballan qaaday in uu dhinaca qalabka ka caawin doono ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale shiinaha ayaa u arka Rajiimka Muqdisho xulafo uu gobolka ku leeyahay, gaar ahaan marka la eego xidhiidhka Taiwan la leedahay Somaliland. Wasaaradda arrimaha dibedda ee shiinaha ayaa iyaduna soo xigatay hadal Xasan Sheekh Maxamuud sheegay oo ah in Somalia ku taagan tahay siyaasadda dhulweynaha Shiinaha oo Taiwan ku jirto, isla makaana shiinuhu u yahay saaxiib Istaraatijiyadeed oo muhiim ah isla markaana ay sii wadi doontaa inay si adag u garab istaagto Shiinaha oo ay ka taageerto ilaalinta madax-bannaanida qaranka iyo wadajirka dhuleed.”

Ergaygii-hore-dawladda-Maraykanka-u-qaabilsanaa-Gobolka-Saaxil-Ambassador-J.-Peter-Pham-Hayaannews

Arrimahaasoo dhammi waxa ay dhalinayaan su’aasha ah waa maxay sababta maamulka Maraykanka ee hadda jogaa uu ugu dhaggan yahay inuu taageero u muujiyo maamul aan la aamini Karin isla markaana aan sharciyad buuxda haysan oo bilaa karti ah. Xidhiidh toolmoo oo lala yeesho Somaliland Iyo Itoobiya ayaa wax weyn ka tari kara ammaanka iyo horumarkan gobolka.