“Diiwaangelintani Waxay Ku Socotaa isku Tashiga Dhaqaalaha Somaliland Oo Aanay Cidin-na Ka Taageerin” Wasiir Mohamed KAAHIN

Hargaysa (Hayaannews): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay sida ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu uga socoto degmo doorashooyinka goboladda Sool iyo Sanaag.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa maalintii afraad oo ah marxaladda hore waxay ku dhamaanaysaa goboladda Sool iyo Sanaag, oo ay weheliyaan goboladda Xaysimo iyo Badhan.

Labadan gobol ee Sool iyo Sanaag ayaa noqonaya labadii gobol ee ugu danbeeyay ee ay ka qabsoonto diiwaangelinta codbixiyeyaashu, iyadoo hore uga soo qabsoontay goboladda Maroodijeex, Awdal, Saaxil iyo Toghdeer.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si wanaagsan uga socoto goboladda Sool iyo Sanaag, isla markaana ay dadweynuhu si fiican oo hab-sami leh ay isku diiwaangelinayaan.

“Diiwaangelintu si aad iyo aad u wanaagsan ayay u socotaa. Si nabadgeliyo leh ayay u socotaa. Degmo doorashooyinka gobolka Sanaag ee ay diiwaangelintu ka socotaa, waxay kala yihiin Ceerigaabo, degmadda Laasqoray, degmadda Badhan, iyo degmadda Dhahar.

Gobolka Sool waxay ka socotaa diiwaangelintu degmadda Laascaanood, degmadda Xudun, iyo degmadda Taleex. Degmooyinkaasi si wanaagsan ayay hawsha diiwaangelintu uga socotaa.

Degmooyin badan oo doorashooyinka ama diiwaangelintu markii horeba ay gaadhay iyo degmooyin aanay qaarkood gaadhin ba way jiraan” ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa kaloo uu sheegay in diwaangelintaasi ay ka qayb qaadanayaan masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada, masuuliyiinta goboladda iyo degmooyinka iyo ciidamadda milateriga iyo booliska.

Waxaanu uga mahad celiyay masuuliyiintaasi kala duwan sida xil-kasnimadda leh ee ay uga shaqeeyeen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Waxaanu yidhi, “Waxaa ka hawl gelaya ciidamadda milateriga iyo booliska, waxa kaloo ka hawl gelaya masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada iyo masuuliyiinta maamuladda goboladda iyo degmooyinka ay diiwaangelintu ka socoto. Guddiyadda nabadgeliyadda ee goboladaasi iyo degmooyinkaasi ayaa ka hawl gelaya.

Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa masuuliyiinta wasiirrada ah ee ka qayb qaadanaya hawlaha diiwaangelinta ee labadaasi gobol, oo culays, abaabul iyo xil-kasnimo iyo hawsha hirgelinteedii aad iyo aad isaga xil saaray”.

“Waxa kaloo aan u mahad naqayaa guddoomiyeyaasha goboladda iyo degmooyinka ay diiwaangelintu ka socoto, ee ka hawl gelaya hawshaasi, oo si wanaagsan oo xil-kasnimo leh iyo masuuliyadeed uga qayb qaatay.

Waxaan aad ugu mahad celinayaa taliyeyaasha ciidamadda milateriga iyo booliska ee Somaliland oo hawsha diiwaangelinta ka qayb qaatay iyo ciidamadoodda, iyo talisyadoodda qaybaha goboladda iyo jiidaha hore ee fadhiisimadda ciidamadda, guud ahaanba ciidamadda milateriga iyo booliskuba siday uga qayb qaateen” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Geesta kale wasiirka ayaa u mahad celiyay madax dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka deegaamadda ay diiwaangelintu ka socoto oo uu tilmaamay in ay si masuuliyad iyo xil-kasnimo leh uga qayb qaateen hawshaasi.

Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa madax dhaqameedka, odayaasha, waayeelka iyo wax garadka deegaankaasi, ee ka qayb qaadanaya hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Iyo guud ahaanba shacabka Somaliland”.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in kharashka lacageed ee ku baxaya hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay bixinayso xukuumadda Somaliland.

“Diiwaangelintani waxay ku socotaa, oo ay ku fulaysaa, isku tashiga dhaqaalaha jamhuuriyadda Somaliland, oo aanay cidin-na ka taageerin.

Arrintaasi waxaan uga mahad naqayaa suurro-gelinteedda madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland si fiican ee aynu hawshaa u galnay iyo dhaqaalaheedda sida uu madaxweynuhu uga midho-dhaliyay, in ay suurro-gal noqoto, in ay Somaliland maanta Cagaheedda isku taagi karto, oo ay iyadu diiwaangelinta kharashkeedda Dhabarka ku xanbaarato.

Madaxweynaha iyo wasiirradii kala hawl galayna aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa. Iyo golaha wasiirrada oo arrintaa fuliyay, oo go’aanka arrintaa lagu gaadhay”.

 

#Mustafe_janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com