“Doorashooyinku Uma Baahna Bullaan Iyo Baalo-Xoofto,Aflagaadadana Laguma Gaadho Guul Siyaasadeed..” Khudbad Sanadeedkii Madaxweyne Biixi DAAWASHO-WACAN.

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay doorashooyinku u baahnayn baalo-xoofto, isla markaana inaan aflagaadada lagu gaadhin guul-siyaasadeed.

Md. Muuse Biixi ayaa waxa uu xusay in sannadka cusub 2022 uu waayo baddan leeyahay,isaga oo ku dooday inuu adduunkii uu hadheeyey saymo colaadeed oo khatartooda wata.isla markaana adduunkii ay cidhiidhi ka gashay nabad-gelyada, Cuntadda (Food Security), Saliidda iyo Tamarta Gaaska, waxaana shaki weyn leh inuu hakad galo isku-socodka dadka iyo badeecadaha adduunka.

Madaxweyne Biixi waxa uu sidaa ku sheegay khudbadii sannadeedkii dastuuriga ahayd ee uu maanta u jeediyay labada Golle baarlamaan ee Somaliland ee Guurtida Iyo Wakiillada.

Nuqul ka mida Khudbad sannadeedka dastuuriga oo ay heshay shababada Wararka ee #Hayaannews,

HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADII OODHAMEYSTIRAN:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com