Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar Oo Diiday Go’aan Ka Dhana Turkiga Oo Ka Soo Baxay Jaamacadda Carabta
October 13, 2019 - Written by admin
Ururka Jaamacada Carabta ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay
duulaan ciidamada Turkiga ku qaadeen dalka Syria gaar ahaan xadka ay labada dal
wadaagaan, waxaana kulankan looga hadlayay weerarkaasi Turkiga qaaday.
Wasiirada Arimaha dibadda ee Jaamacada Carabta oo kulan ku
yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar
ayey kaga doodeen duulaanka Turkiga ku
qaaday Syria, waxaana kulankaasi lagu cambaareeyay weerarka dowlada Turkiga.
Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo
kulanka ka hadlay ayaa sheegay in
weerarka ciidamada Turkiga ku qaadeen gudaha
Syria uu yahay mid xad gudub ah faro galin qaawana ku ah dalalka Carbeed.
Kulanka Jaamacada Carabta ayaa laga soo saaray Bayaan lagu cambaareenayay duulaanka dowlada
Turkiga, waxaana loogu baaqay Turkiga in
ciidamadiisa kala baxo Syria.
Bayaankaasi kasoo baxay Jaamacada Carabta ee lagu
cambaareenayay dowlada Turkiga waxaa diiday in ay qeyb ka noqdaan dowladaha
Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir dhaw la leh dowlada Turkiga.
Ciidamada Turkiga ayaa gudaha u galay dalka Syria gaar ahaan xadka ay labada dal wadagaan, waxa ayna Ciidamada dagaal kula jiraan xoogaga hubeesan ee Kurdiyiinta oo dowlada Turkiga u aragto kuwa halis ku ah amaanka dalkeeda.