EUCAP iyo Somaliland oo iska Kaashanaya Ka Hor-tagga Dembiyada Abaabulan

Hargeysa (Hayaannews)- Masuuliyiinta EUCAP ayaa sheeray in ay Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda uga taageerayaan tayaynta ciidanka amniga gaar ahaan ciidamada Booliska,

Dr Fabian Loewenberg oo ah Ku-xigeenka madaxa EUCAP oo uu weheliyo la-taliyaha dhanka Istaraatijiyadda EUCAP, Suzanne Frankenmolen, ayaa shalay la kulmay taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Daba-gale.

Bayaan kasoo baxay EUCAP ayaa lagu sheegay in Labada dhinac ay kawada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa tababarka Ciidanka gaar haan taageeridda kulliyadda saraakiisha Ciidanka. Dr. Fabian Loewenberg, ayaa xussay in ay bilaabi doonaan bishan January dhexdeeda tababarka saraakiisha sii tababari doonta ciidanka Booliska iyo ciidamadda ilaalada xeebaha.

Dhinaca kale waxa uu ku xigeenka madaxa EUCAP sheegay in Ciidamada Somaliland ay ka caawin doonaan ka hortagga dambiyada abaabulan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wadda qorshe lagu tayaynaayo oo lagu kor loogu qaado awoodda Ciidan ee dalka Sida Booliska , Mellateriga iyo Sirdoonka.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland