Hargeysa(Hayaannews): Tartanka orodada oo qayb ka ah tartanka Ciyaaraha kala duwan ee gobollada Somaliland, kana socda garoonka kubadda cagta ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku tartamay saddexdii maalmood ee u dambeeyay gobollada Somaliland, tartankaas oo ugu horeyn xawaaraha 100-ka mitir uu maanta soo idlaaday ku guuleystay Kaalinta koowaad gobolka Hawd, halka kaalinta labaadna uu ku guuleystay gobolka Saraar, isla markaana waxa kaalinta saddexaad ku guuleystay gobolka Daad-madheedh.
Magacyada ciyaartoyada orodka 100-ka mitir saddex kaalmood ee u sareeya ku guuleystay:
- Yacquub Isaxaaq Axmed Gobolka Hawd kaalinta koowad.
- Cabdirisaaq Cismaan Gobolka Saraar kaalinta labaad.
- Maxamed Aaden Cabdi Gobolka Daad-madheedh kaalinta saddexaad.

- Hayaannews, Office
- Hargeysa, Somaliland
- Email: Hayannewssoma@gmail.com