Golaha Doorashooyinka Itoobiya ayaa si kulul uga jawaabay warqaddii Madaxweyne Mustafe.

Ethiopia(Hayaannews): Golaha Doorashooyinka Itoobiya ayaa si kulul uga jawaabay warqaddii Madaxweynaha dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Maxamuud Cumar
Qaabka iyo halka ay ka dhacayso doorashadu waa hawl u taalla Golaha Doorashooyinka ayaa lagu yidhi warqad hadda loo diray deegaanka Soomaalida.
Golahu waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeedhay Xafiiska Madaxweynaha ee ah in ay ku dhibaatoonayaan doorashadu aanu ahayn mid samaynaya macne sharci ah.
“Deegaanka Soomaalida waxa laga rabaa in keliya ay ilaaliyaan amniga doorashada islamarkaana fahmaan in hawshani ay golaha u taallo.”
Jawaabtani waxa ay ka dambaysay warqad uu Mustafe Cumar u diray golaha oo uu ku eedeeyay in aanay dhexdhexaad ka ahayn khilaafka Soomaalida iyo Canfarta.
Nimaan Osman
#Hayaannews, Office