Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub Farduus Cismaan Hamashool ayaa balanqaaday in ay siin doonto abaal marin ay ku farxaan Ciyaartoyga ugu goolasha bata ee tartanka ciyaaraha gobalada Somaliland.
Farduus Cismaan ayaa waxa ay soo dhaweysay tartanka ciyaaraha gobalada Somaliland ee ka socda garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium,waxaana ay hambalyo u dirtay warbaahinta sida tooska ah u soo tabinaya Ciyaaraha gobalada dalka.
“Dhammaan dadkayga aan aadka u Jecelahay waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa Tartanka Ciyaaraha Qaranka Somaliland ee ka bilabmay Caasimadda dalka,waxaan Boogaadinayaa Warbaahinta sida tooska ah noola socodsiinaysa ee dedaalka iyo Juhdiga geliyey si aanu u daawano,”. Ayey yitidhi Farduus Cismaan
Farduus Hamashool ayaa sidan soo dhigtay Barta ay ku leedahay Facbook waxaana uu u dhignaa sidan”Aniga oo ah Guddoomiyaha Qaarada Europe ee Garabka Haweenka Xisbiga Waddani waxaan u balan-qadayaa Ciyaartoyga ugu goolasha bata iyo kooxda Guulaysata gool hay,ahooda in aan siin doono abaal marin ay ku Farxaan si aan u dhiiri geliyo dedaalka ay sameyeen,”.
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email: Hayaannewssoma@gmail.com