Guddoomiyaha Ururka #SOMA Oo Ku Bogaadiyay Bahda Saxaafadda Somaliland Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland Oo Si Weyn Loogu Dabaal-degay.

Hargeysa(#Hayaannews)- Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale)  ayaa guud ahaan bahda Saxaafadda Somaliland gudo iyo dibad-ba ku bogaadiyay Xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo sanad kasta loo dabaal-dego 9-ka November 2021.

Guddoomiye Mustafe-Janaale, isagoo Bahda Saxaafadda Online-ka la  wadaagaya farxadda Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland waxa uu  ILAAHAY ka  baryayaa inuu noqdaan kuwo horumara oo la wada majeerto.

Xaflad lagu Maamusey xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland 09 November iyo Abaal-marinta 6aad ee “Cawke Award” ee sannadka 2021 ayaa lagu qabtey Magaalada Hargeya.

Waxaana Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah uu u soo abaabuley Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ka soo qayb galey Suxufiiyiinta ka hawlgasha xarumaha Warbaahinta kala duwan ee Somaliland,kuwaas oo sagaal ka mid ahi ku guuleeysteen Abaal marinta “Cawke Media Award” 2021.

“Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u  direynaa dhammaan bahda Saxaafadda Somaliland munaasibada xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland ee 9-ka November 2021 awgeed,taas oo sannad kasta laga xuso Somaliland. Waxaan u rajeynayaa Bahda Saxaafadda Online-ka ee Somaliland Online Media Association  ee #SOMA u rajeynayaa inay sannadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabadgelyo iyo horumar lagu badhaadho”.Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe-jannaale.

.Saxaafadda oo ah awooda afaraad ee Dowladda Somaliland ayaa soo martey marxaladdo kala duwan tan iyo intii ka danbeysay 1991 oo ah markii la Aasaasey Jamhuuriya Somaliland ee madaxa banaan Somalia inteeda kale,hase yeeshee,waxaa la mooda inay wakhtigan gaadhey meel aad u sareeysa oo run ahaantii lagu faani karo,isla markaana la jaanqaadi karta Warbaahinta Caalamka horumarey.

Inkasta oo beryahan danbe ay jireen caqabado  adag inay Suxufiyiintu mararka qaarkood kala kulanto Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ku suququlisa wararka ka soo baxa Madaxtooyadda, gaar ahaan Wareegtooyinka xilalka loogu magacaabo masuuliyiinta qaranka,kuwaas oo hor iyo horaan la tilmaamey in iyaga gacanta loo gelyo dhalinyaro ka hawlgasha Xarunta Madaxtooyadda oo sheegta inay yihiin Suxufiyiinta khaaska ah ee Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi, waana dhaqan ugub ku ah Somaliland oo hore looga soo baran Madaxtooyadda dalka. Haddana, caqabadaha noocan ahi marnaba wax niyad jab ah kuma keenan Suxufiiyiinta  Somaliland oo ah  kuwa u dhabar adeyga duruuf kasta oo ay ku shaqeynayaan, si ay uga midho dhaliyaan hadafkooda mustaqbalka dhow iyo ka fog labadaba.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay inay tirada suxufiyiinta la xidhay sanadkan 2021 ay dhan yihiin 20 weriye,iyagoo tilmaamay inay tahay sannadkii ugu yaraa xadhiga suxufiyiintu.

Xogtan ayaa lagu soo bandhigay xuska maalinta saxaafadda Somaliland ee 9-ka November oo maanta sanad-walba la xuso, kaas oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com