Guddoomiyaha Warbaahinta Online-ka Ee SOMA Oo Bahda Saxaafadda Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Suxufi Faysal Cabdilaahi Cabdalle Oo Geeriyooday.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee  Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Saxaafadda Online-ka, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafadda Somaliland,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Faysal Cabdilaahi Cabdalle oo ku geeriyootay caawa oo ay taariikhdu ahayd 2.June 2021, Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay guud ahaan Bahda Warbaahinta Somaliland,waaxaanu door shariifa ka soo qaatay  dib-u- dhiska warbaahinta Somaliland, taariikhda dalkuna ay xusi-doonto.

Mustafe-Janaale,waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda,Qoyskii, eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

________________________________

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Alle ha u naxariiste Faysal Cabdilaahi Cabdalle, ayaa waxa uu culuumta saxaafadda ka bartay kulliyadii saxaafadda ee jaamacadii Lafoole.Waxaanu ka mid ahaa saxafiyiintii ka shaqeeyay Telefishankii Qaranka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, marxuumka ayaa ka soo shaqeeyay Wargeyska Dawladda Somaliland ee Maandeeq, oo uu mar  ka noqday Tifaftire ilaa uu ka gaadhay guddoomiyaha Wargeyska Maandeeq, imikana ah Dawan.

Marxuumka oo aanu muddo 10 sanno ku dhaw ilaa hadda na ka wada tirsanayn shaqaalaha wargeyska dawladda ee Dawan, wuxuu ahaa shaqsi aad u ixtiraam badan, dul qaad leh, akhlaaq fiican, sheekaawi ah.

Alle marxuumka ha u naxariisto.

 

#SOMA_Online

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com