HARGEISA: Maayir Cabdiraxmaan-SOLTECO Oo Kormeeray Dugsiga Sheekh Nuur Oo Marmar La Dhigaayo

Hargeysa(Hayaannews)Maayirka Caasimadda Hargeysa iyo xubno kale oo ka tirsan masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa kormeer ku tegay dugsiga Sheekh Nuur oo ay ka socdaan hawlo marmar lagu dhigayaa.

Ugu horeyn waxa hadal ka jeediyey dugsiga dhexdiisa oo ay shaqada mar mar dhigistu ka socotay Maamulaha dugsiga Sheekh Nuur  Yuusuf Xasan  ayaa ka warbixiyey maraaxilkii uu dhigista Marmarkan ee dugsiga Sheekh Nuur soo maray,isaga oo tilmaamay in Maayirka Caasimadda Hargeysa gacan weyn ka geystay dhigista Marmarkan.

Waxa isna goobtaas ka hadlay Guddoomiyaha guddida waalidiinta Dugsiga Sheekh Nuur  Caaqil Cali, waxaanu tilmaamay in talaabadani ay tahay mid loo baahnaa, isaga oo maayirka Caasimadda Hargeysana ku amaanay gacanta uu ka geystay dhigista Marmarkaas ee dugsiga Sheekh Nuur.

Qaar kamid ah culimo awdiinta magaaladda Hargeysa oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey talaabadan Marmarka lagu dhigaayo dugsiga Sheekh Nuur,isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada hawlgalo horumarka.

Guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Maroodijeex Cabdikariim Cali Caarif oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in maamule walba lagu abaal marin doono waxa uu qabto, isaga oo uga mahadceliyey Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,Maayirka Caasimadda Hargeysa iyo waalidiinta carruurtoodani dugsiga Sheekh Nuur dhigato sida ay gacmaha isugu qabsadeen sidii dugsiga bilicdiisa loo hagaajin lahaa.

Dhinaca kalena Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshadda iyo bilicda ee dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in shaqooyin badan oo wax tar leh laga qabtay dugsigaasi Sheekh Nuur, waxa uu sidoo kale tilmaamay Agaasime Khadar in dugsigaasi ku jiro dugsiyadda sannadkan dayactirkooda wax laga qaban doono ee qorshaha ku jira, waxaanu cadeeyey in ay keeni doonaan dhir badan oo laga beeri doono dugsigaasi.

Gebo gebadii waxa isna goobtaas ka hadlay Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaanu tilmaamay in dawladda hoose ee Hargeysa ay si guud ula wada shaqayso dugsiyadda waxbarashadda ,taas oo salka ku haysa siyaasaddii maamul daadejinta , taas oo dhigaysa in waxbarashada iyo Caafimaadka aas aasiga ah dawladdaha hoose lagu wareejiyo.

Waxa uu tilmaamay in la dayactiray oo la dhisay 45 dugsi oo lagu dhisay cashuurta dadka ee aan lagu dhisin mashaariic ay hay’addo soo bixiyeen.